Farmaajo oo xaraashay khayraadkii dalka


 Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska shidaal barista ah ee wasaaradu ay la saxiixatay shirkadda Coastline Exploration Limited (“Coastline”) oo laga leeyahay dalka Mareykanka kaas oo farmaajo ka qarinayey shacabka somaliyeed.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in Farmaajo uu la ogaa heshiiskaan oo lagu qaatay 7 Milyan oo dollar, isla markaana uusan garaneyn sababta uu hadda uga hor yimid, wuxuna ku macneeyey in culeyska dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga difaacayo.

Farmaajo wuxu u sheegayaa shacabka somaliyeed been sidii caadada u aheyd, isla markaana wuxu isku dayayaa in uu ka dhex baxo fadeexada isagoo iibsaday Khayraadkii dalka, wuxuna soo saaray warqad uu ku lee yahay ma aqoonsani heshiiska si uu shacabka u marin habaabiyo.

Musuq-maasuqa Farmaajo uu gaaray Halkii ugu xumayd isagoo iibiyey khayraadkii dalka, Wasiirka Shidaalka ayaa xaqiijiyay in Farmaajo uu ka masuul ahaa tallaabo kasta lagu xaraashayey Shidaalka.

Isagoo Hore usoo saaray wareegto uu lagu  mamnuucay in la saxiixo heshiisyo cusub inta lagu gudajiro xiliga kala guurka.

Post a Comment

0 Comments