Farmaajo oo sheegay in Soomaaliya ay gaartay isku filnaansho Amni


Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal ka jeediyey meertada 35-aad ee shirka madaxeedka Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay waayo aragnimo fiican u yeelatay habka loo wajaho khataraha kooxaha argagixisada

Balse Shantii Sano ee Farmaajo,  xaaladda amni ee dalka ayaa kasii dartay. Cabsi gelinta lagu hayo shacabka, qaraxyada gaadiidka lagu xiro, mid cusub oo qof socdo uu gaari qabsanayo, weerarada tooska ah, toogashada iyo dagaalka ciidanka dowladda dhexdooda ah ayaa hareeyey caasimadda oo ah meesha qura oo ay su buuxda ugu shaqeyso dowladda federaalka ah.

taas cadaynaysa inaan farmaajo qaban wax weyn oo amniga la xiriira 

Farmaajo wuxuu dhisay ciidan xoog leh, tani dood badan kama taagna, balse  illaa iyo hadda aysan deegaano cusub ka xoreyn Al-Shabaab iska daaye waxaa iyaga laga qabsaday deegaano horey looga saaray kooxda.

Sidoo kale Farmaajo ciidanka wuxu si weyn ugu milay siyaasadda dalka taas oo dhaawac ku ah ciidanka, iyagoo marar kala duwan weerar ku qaaday madaxdii hore ee dowladda Soomaaliya.

Farmaajo wuxuu sheegay in dowladdii ay si weyn u dhintay halista kooxda Al-Shabaab, laakiin waxaa la is waydiinayaa sida koox aan lala dagaalamin loo dhimay awoodooda??!

Seddex jeer oo uu Farmaajo ku dhawaaqay inuu dalka galay xaalad dagaal oo toos loo wajahayo Al-Shabaab ayaa dhammaan been noqday.

Wuxuna fasax siiyey Al-Shabaab, isagoo taas badalkeeda ku mashquulay la dagaalanka iyo iska celinta siyaasiyiinta madaniga ah ee kasoo horjeeda, taasoo dhalisay inay xoogeysato qatarta kooxda Al-Shabaab iyo inay canshuuraan goobo aysan waligood gacantooda gaarin.

Post a Comment

0 Comments