Farmaajo oo kulan xasaasi ah ugu yeeray Qoor Qoor iyo Lafta Garen oo looga hadalayo doorashada


Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa yimi magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana uga sii horeeyey hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen

Labada hoggaamiye ayaa rabaan inay shir gaar ah kula yeeshaan Muqdisho Farmaajo, madamo labada nin u yeeray Farmaajo oo ay shirko siyaasadeed yihiin.

Galmudug 9 kursi oo golaha shacabka ah ayaa illaa hadda la doortay, wararku waxay sheegayaan in Qoorqoor uu rabo inuu u xidho inta hadhay kooxda Farmaajo.

isagoo Farmaajo uu Goorqoor  kula heshiiyey in uu siin doono kursiga ra’iisul wasaaraha haddii uu u boobo kuraasta taala galmudug.

kulankan ayaana lagu sheegay wada-tashi iyo is turxaan bixin. Laftagareen sidoo kale sidii uu Farmaajo rabay ayuu illaa iyo hadda howsha u wadaa, balse loogama maarmo xoojinta heshiiska saddex geesoodka ah ee lagaga tashanayo qaabkii loo musuqmaasuqi lahaa doorashada.

Sidoo kale Farmaajo wuxu ku qanciyay Laftagareen in uu ka dhigayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka hadii uu ka caawiyo bililiqada doorashada Koonfur Galbeed.

Kulanka Farmaajo, Qoorgoor iyo Laftagareen waa mid lid ku ah in la qabto doorasho hufan oo aanu musuqmaasuq ku jirin, sidaas darteed waa in laga hortago dhibaatooyinka iyo boobka ay la rabaan dorashada.

Post a Comment

0 Comments