Doorashada oo dib uga dhacaysa wakhtigii ay ku heshiiyeen inay ku gabo gaboowdo Golaha Wadatashiga Qaranku


Guddiga SIET ee HirShabelle ayaa soo saaray jadwal cusub oo saameynaya heshiiskii doorashooyinka dalka ee ay horey u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran, si doorashada Baarlamaanka dalka loogu soo gabagabeeyo 25-ka bishaan Febraayo, 2022-ka.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyey liiska doorashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta taalla Beledweyne, kuwaas oo uu guddigu shaaciyey in doorashada la qabanayo 26-ka bishan, waana maalin heshiiskii Muqdisho lagu gaaray ee ahaa 25-ka lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, balse tan ayaa caddeyn u tahay in HirShabelle aanay doorashada kusoo gabagabeyn karin waqtigii lagu ballamay.

Maamul goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Galmudug ayaa iyaguna kasii dambeeya HirShabelle, maadaama aysan weli guda-gelin kuraasta taalla deegaan doorashada labaad, taas oo caqabad ku noqon doonto heshiiskii doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Maamul goboleedyada taageersan Farmaajo ayaa doonaya in doorashada aysan ku dhamaan waqtigii loogu talagalay, taasoo ah qorshe Farmaajo ku doonayo inuu xilka ku sii hayo.

Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa marar badan u dib u dhacay, taas oo ay sababayeen Qorshayaasha Farmaajo uu ku doonayey inuu Xafiiska kusii joogo isagoo khalkhal gelinayey Doorasahda

Post a Comment

0 Comments