Doorashada ma lagu dhamaystiri karaa 15-ka Maarso 2022 oo loo qoondeeyey?!


Doorashada

Muddo ka badan hal sano ayaa lagu dhameyn kari la’yahay doorashada, sababtuna waa in Farmaajo uu doonayo inuu xukunka sii hayo Hadaba Golaha Wadatashiga Qaran oo khamiistii kulan ka yeeshay dardargalinta doorashada golaha shacabka ayaa isku raacay in lagu soo dhamaystirayo codaynta 15-ka Maarso 2022.

Madashan uu hogaamiya Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble waxaa qeyb ka ah Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleeyada Dalka iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

 Isku daygii Farmaajo ee ahaa inuu xukunka ku kororsado mudo 2sano oo sharci daro ah iyo inuu doonayey inuu iska sii joogo Villa Somalia, ayaa weli hor istaagsan in doorasho hufan ay dhacdo lana gabagabeeyo.

 Xildhibaanada golaha shacabka oo ka kooban 275 ayaa la soo doortay 179 xubnood oo u dhigma 65%, halka ay dhiman yihiin 96 xubnood oo u dhigma 35% tirada guud xildhibaanada golaha shacabka.

Farmaajo ayaa caqabad ku ah doorashada Jubbaland iyo Puntland, maadaama uusan awoodin inuu ku shubto doorashada, isagoo buuq ku furay degaanadaas si aanay doorashadu hore u dhamaystirin

Dowlad-goboleedka Puntland waxaa taala 37 kursi ilaa iyo hada la doortay 15 mudane waxaa ku harsan 22 kursi oo aan la shaacin goorta ay dhaceyso doorashada halka Dowlad Gobaleed  Jubbaland loo asteeyay 43 kursi, waxaa la doortay 23 mudane waxaa u ku harsan 20 kursi.

Sidoo kale Farmaajo ayaa bililiqeystay doorashadii ka dhacday Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug isagoo kaashanaya madaxda maamuladaas, sidaas darteed maamul goboleedyadan ayaa doorashadoodu gabagabo ku dhowdahay.

Galmudug ayaa heshay 37 kursi, waxaana la doortay 26 xubnood iyadoo ay harsan tahay 11 kursi.

Dowlad goboleedka Hirschapel ayaa loo qoondeeyay 38 kursi, waxaa la doortay 14 kursi, waxaana haray 24 kursi.

Koonfur Galbeed ayaa leh 69 kursi iyadoo la doortay 50 xildhibaan, waxaana lagu wadaa in dhawaan cod loo qaado 19 kursi. 

Post a Comment

0 Comments