Cod sir ah oo laga duubay Kooxda farmaajo oo shirqool ugu dejiyey Axmed Madoobe Nairobi


 Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa billaabay qorshe ay ku diyaarinayaan maleeshiyo hubeysan oo xukunka ka tuura madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Waxaana hoggaaminayo wasiirkii hore ee gaadiidka ee dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Salaat Oomaar iyo Cabdi Cali Raage, oo ah la-taliyaha Farmaajo ee arrimaha doorashada  ku kulmeen hotel ku yaalla Nairobi, halkaasi oo ay uga hadleen qorshe xasilooni-darro looga abuurayo Jubaland.

Cod si sir ah looga duubay kulankaas, ayuu Oomaar ku leeyahay ““Waxaan ahay dadka aaminsan in la beddelo, in lala dagaalamo, haddii lala jabhadeynayo lala jabhadeeyo, haddii dad ku dhimanayaan lagu dhamaado, kow laga soo billaabo, laakiin Axmed wax walba oo loo isticmaalayo in loo istcimaalo ayaan aamisanahay,”

Wuxu kale oo sheegay si Axmed Madoobe looga eryayo Jubaland in loo adeegsado maleeshiyo hubeysan.

Sidoo kale Cabdi Cali Raage oo hadalka qaatay wuxu yidhi “Waxaan u baahanahay inaan dedejino qorshaheena, si aan u xaqiijino in Axmed Madoobe xukunka looga tuuro hab kasta oo ay noqoto,”

Bishii July 2021, maamulka Jubaland ayaaa Cabdi Cali Raage u diiday inuu soo galo Jubaland, ayada oo diyaarad sidday loo diiday fasax ay kusoo cago dhigan laheyd garoonka diyaaradaha Kismaayo,

ka dib markii ay ogaadeen Cabdi Cali Raage inuu qorsheynayey inuu rabshado ku huriyo Jubaland. 

Qorshahan lagu dejiyey Nairobi iyo kuwo la mid ah ayaa marar badan isku dayday Farmaajo inuu xukunka ka tuurto Axmed Madoobe balse wuu ku fashilmay.

Isku-dayadii fashilmay ee kooxda Farmaajo sameysay shantii sano ee lasoo dhaafay waxaa kamid ah mid la rabay inay Kismaayo kasoo xiraan madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, ayaga oo adeegsanaya ciidanka Itoobiya.

Farmaajo isku dayeya inuu burburiyo maamul goboleedyada  kasoo horjeedaa sidee buu madaxwayne uga doonayaa mar kale isuna soo sharxayaa??

Post a Comment

0 Comments