Cali yare cali oo dhibane u ah nidaamkii farmaajo ee uu u shaqayn jiray.


Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka Banaadir Cali Yare ayaa sheegay in safarkiisa uu ku tagi lahaa Dowlad Gobaleedka Galmudug laga baajiyey.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Farmaajo ayaa ka dambeeyey in la baajiyo safarkii uu ku tagi lahaa magaalada Guriceel halkaas oo uu qorsheenayey inuu kaga sii gudbo magaalada Dhuusamareeb si isugu soo sharaxo xilldhibaanimo.

Cali Yare qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu hay’adda NISA ka dalbaday in la baajiyo safarkiisa.

 Cali Yare iyo ciidamo uu watay sababta loogu diiday inayka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde, waa in madaxweynaha Galmudug Kursiga HOPP#147 u xiray xildhibaan Mahad Salaad kaas oo cali yare rabay inuu isu soo sharaxo.

Cali yare wuxu ka mid ahaa dadka aad ugu dhaw Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Farmaajo, mantana wuxu dhibane u yahay nidaamkii  farmaajo ee uu u shaqayn jiray. 

Cali ma ilaalin jirin sharciga, muddada uu xafiiska jooggay, maantana wuxu guranayaan mirihii uu beertay.

Todobaadkaan ayaa la filayaa in doorashada kursiga HOPP#147 ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb, waxaana madaxweynaha Galmudug ka go’an inuu kursigaan kusoo baxo Mahad Salaad oo Afartii Sano ee lasoo dhaafay  ku fadhiyey.

Post a Comment

0 Comments