waa maxay sababta ay Galmudug ugu nugushahay weerarada Al Shabaab?

 

Galmudug

A C -WARAR

General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), Taliyihii hore Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka hadlay culeyska muuqdo ee maleeshiyada Al Shabaab ku hayaan deegaanada Galmudug.

Shabaabka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Galmudug ka waday Gobolada Dhexe, taasoo ay dadka deegaanku dareemeen, markii ay meesha ka baxday Ahlu Sunnadii Bartamaha Somaliya.

Taliyaha oo marka hore ka hadlayay labada Sarkaal ee Axaddii lagu dilay dagaalka ka dhacay deegaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud ayaa yiri “Geeridu waa xaq, askarigana waxaa loogu talagalay nolol iyo geeri, qaddarta Rabina meeshaad ku dhimanayso waa wax Alle ogyahay.”

Waxaa uu sheegay in Shabaabku ay daraasaad ku sameeyeen deegaanada Galmudug iyo xiriirka maamulkaasi kala dhaxeeya Hirshabelle, oo ood wadaag ay yihiin.

“Shabaabku waxay daraasaad ku sameeyeen deegaanada Galmudug iyo isa saarka Hirshabelle, markaad fiiriso xiriir rasmi ah kama dhaxeeyo oo xagga la dagaalanka Shabaabka ah. Sidoo kale Galmudug dhexdeeda marka la fiiriyo deegaanada hadda ay ka dirirayaan, beelaha u badan isma kaashadaan oo iskaashi ma sameeyaan. Jufo, jufo ayay ula diriraan oo cadowgaanu waa cadow guud oo uma diyaargaroobaan, marka ma jirto isbahaysi sidooda ka soo horjeeda.” Ayuu yiri jananku.

Isagoo la hadlayay BBC ayuu yiri “Waxay kaloo ka faa’iideysteen is qabadka Culimadii Ahlu Sunna iyo Galmudug, oo ay ogaadeen halkaasi inuu is qabsi ka jiro, waxay is yiraahdeen waxaa idinkaga furan dalool dhinac walba ah, markay miisaameen.”

General Cirro ayaa tilmaamay in Shabaabku arkaan tiir adag oo Gobolada Dhexe ka hortaagnaa waa Ahlu Sunna’e uu meesha ka baxay.

Jananka ayaa qaba in Shabaab looga adkaan karo in diyaargarow uu jiro, iyadoo markaasi la hagaajinayo xiriirka dadweynaha iyo kan maamulada.

“Cadowga waxaa looga guuleysan karaa in diyaargarow la sameeyo. Diyaargarowga waxaa asal u ah xiriir inuu jiro oo dadka deegaanka ah ama maamulada, oo cadowgaasi ka soo horjeeda.” Ayuu yiri General Cirro.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxay u baahan tahay Dowladda Galmudug inay abaabul sax ah sameyso, dadka deegaankuna ay is abaabulaan, dowladowdiina ay kaashadaan, markaa ka dib baa cadowga lala diriri karaa.”

Labada sano ee Maamulkii Ahlu Sunna uu meesha ka maqan yahay, xafiiskana uu jooggo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) waxay Shabaabku kordhiyeen hujuumka ay ku hayaan deegaanada Galmudug.

Muddadaasi marka laga soo taggo Shabaabku inay qabsadeen deegaano ka tirsan Galmudug, xaalad amnina ay ka abuureen dhulka Galmudug ay maamusho, haddana muddadaasi waxay qaraxyo iyo dagaal toosba leh ay ku dileen dhowr iyo toban Sarkaal oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada.

 

Post a Comment

0 Comments