Dowladda UK ayaa war kasoo saartay halka ay ka taagan tahay aqoonsiga
Somaliland, xilli uu baarlamaanka dalkaas maanta billaabay dood ku saabsan
aqoonsiga Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Victoria Grace Ford, oo ah Wasiirka Arrimaha Afrika ee dowladda UK, ahna
xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas ayaa war ay soo dhigtay barteeda
Twitterka ku sheegtay in dowladdeeda ay mowqif joogto ah ka taagan tahay
arrimaha la xiriira darajada Somaliland.
“Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is
baddalin ee ay dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland. Waa howl u
taalla Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya
inay go’aan ka gaadhaan
mustaqbalkooda. Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimuqraadiyadda, amniga
iyo horumarka kala shaqeyno dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland,”
ayay ku tiri qoraalkeeda.
0 Comments