RW. Rooble oo Muqdisho ka furay Shirkii uu Ku baaqay ee Golaha Wadatashiga Qaran

 

muqdisho

A C-WARAR

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wadaatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saarayo amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka BFS.

RW Rooble waa in uu si buuxda ula wareego amniga dalka iyo hoggaanka ciidamada xoogga dalka inta lagu jiro xilliga doorashada sidookale waa inuu qaado tallaabooyin adag sidhuu u fulin lahaay go’aanada ka soo baxay shirkii Golaha watashiga Qaranka.

Shirkan oo uu go’goshiisa dhigey Raysal Wasaare Rooble isla markaasna ay isku khilaafeen madaxweyne Farmaajo ayaa hadda waxaa ka qayb-geleya Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle , Jubaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa isha ku haya  Shirka go’aanada kasoo bixi doona, iyadoo Tabashooyin badan laga muujiyey  Sida ay ku socoto Doorashada, Sidoo kale Madaxda maamulada ayaa doonaya in Hal deegaan lagu soo koobo doorashada golaha shacabka.

Rooble waa in uu u magacaabo guddiga doorashada madaxa cusub oo dhexdhexaad ah oo aan ogolayn in Farmaajo ku shubto kuraasta, sidii horeba u dhacday.

RW Rooble waa in uu hoos u dhigaa doorkii ay ku lahaayeen guddoomiyeyaasha gobollada ee doorashada, si guddoomiyeyaasha daacadda u ah Farmaajo aysan u sii wadin musuqmaasuqa doorashada.

Shirkan ayaa imanaya iyadoo muran siyaasadeed uu dhexeeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ra’iisul Wasaare Rooble. Madaxweynaha ayaa usbuucii hore shaqada ka joojiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, isagoo ku edeeyey musuqmaasuq. Madaxweynaha ayaa sidoo kale horey ugu eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha inuu ku guuldarraystay hoggaaminta doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku gacansayray hadalka kasoo yeeray madaxweynaha, waxaana uu ku eedeeyey inuu tallaabooyinka uu qaaday ay ahaayeen isku day af-gambi.

 

Post a Comment

0 Comments