RW Rooble oo deeq ka gudoomay Imaaraadka, raali gelin booxdho neh kabixiyey dhacdadii 2018

 

Rooble oo dowladda Imaaraadka ka raalli galiyay

A C-WARAR

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa raalli gelin ka bixiyay dhacdadii Imaaraadka Carabta loogala wareegay lacagtii sagaalka milyan aheyd ee April 2018.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.

Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaraha ka sheegay deeq gargaar ah oo dowladda Imaaraadka Carabta keentay Soomaaliya oo loogu tala galay gurmadka abaaraha, waxaana deeqdan guddoomay Wasiirka Gargaarka.

Mowqifka Rooble iyo Dowladda Somaliya ayaa yimid, kadib markay ka guddoomeen imaaraadka sahay gargaar ah oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee somaliya.

Deeqda ayaa waxaa Rooble ku wareejiyey safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho Maxamed Al-Cusmaani ra’iisul wasaare rooble ayaa ballan qaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw

Rooble oo dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah

Waxaa xusid mudan Doorka iyo sumcada wanaagsan ee taariikhiga ah ee Imaaraadku ku leeyahay Somaliya iyo Geeska Afrika laguma dabooli karo siyaasad xumo iyo cadaawad lasoo abaabulay sababtoo ah Imaaraadku waa waddan nabad jecel

Haddaan dib u jaleecno, waxaynu ogaan karnaa in Imaaraadku uu waligiis garab taagnaa Soomaaliya intii ay jirtay, balse mawqifyada siyaasadeed ay xumeeyaan saaxiibtinimada labada dhinac. Sidaa darteed, raalli-gelinta Rooble waxay noqon rajadii  dib u soo nooleeyse xiriirkaas.

 





Post a Comment

0 Comments