Heer ciyaareed wacan ayay ku soo muuqdeen Real oo dhanka daafac iyo
weerarka waa ay ka wacnaayeen xilli qadka dhexe uu ahaa mid cajiib ah.
Kroos , iyo Modric bandhig aan la aamin karin , halka JR iyo Benzema halis
ahaayeen , halista ugu badan Real ka imaaneysay garabka middig
Athletic Bilbao halis ku ahaayeen rogaal celiska balse waxaa dilayay go`aan
qaadasho deg deg ah .
Soo laabashadii , Real waxa ay si sahal ah kubadda u gaarsiinayeen aagga
goosha Athletic Bilbao illaa ay heleen rigoore waxaana gool cajiiba u
turjumay Benzema daqiiqadii 52-aad.
Real iyaga ayaa maamulayay kubadda halka Athletic Bilbao kaliya ku jireeen
difaac waa ayna adkeyd in kubadda si sax ah u gaarsiiyaan aagga afka hore
.
Athletic Bilbao waa isku dhex yaacsanaayeen waana ku adkeyd in kubadda
cagtooda ku daahiyeen inakstoo dhamaadkii isku dayo ay samaynayeen, waxa
ayna ciyaarta ku dhamaatay 2 gool oo nadiif ah oo a Real ku qaadeen
Super-ka Cup-ka xilli kooxda Bilbao iska qasaariyeen rigoore daqiiqadii 89-ad
xilli Milito la eriyay .
0 Comments