Midowga Musharaxiinta oo soo bandhigay habraaca sixitaanka & hufnaanta doorashada

doorashooyinka

 A C-WARAR

Xubnaha golaha wadatashiga qaran oo ka kooban ra’iisul wasaaraha madax goboleedyada dalka iyo duqa Muqdisho ayaa shalay kulan la yeeshay wakiilada beesha caalamka oo ku biiray wada-hadallada uga socdo Teendhada Afisyoone

shirka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo sidoo kale muranada xoogan ee hareeyey doorashooyinka ka socda dalka Wada-hadallada ayaa sidoo kale sii soconaya, waxaana sidoo kale ku biiri doono xubnaha mucaaradka iyo bulshada rayidka ah, si ay talooyinkooda ugu biirayaan madasha Si kastaba xaaladda dalka uu maraayo ayaa ah mid aad u cakiran

 waxaana dadka Soomaaliyeed ay isha ku wada-hayaan qodobada ka soo baxa shirka golaha wadatashiga shacabka Soomaaliyeed aysan ogalaan doonin in doorashadu ay ku sii socoto qaabkii hore, haddii kale ay sii wadi doonaan dibadbaxyada iyo dibadbaxyada, taasoo keeni karta in dalka uu galo dagaallo iyo dagaallo sokeeye

dhinacakale Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa goordhoweyd soo saaray qoddobo ay soo jeediyeen shalay ayna la wadaageen Golaha Wada-tashiga Qaran kadib markii ay ka qeyb-galeen shirkii Madasha golaha ayaa sii adkeeyay in la saxo habraaca dooashada si ay natiijadeeda u noqoto mid la aqbalo

dalkan degenaan iyo xasilooni u horseeda ayada oo guddiyada doorashada loo madax-baneynayo howlaha doorashada Waxay dalbadeen in dib loogu laabto dhamaan doorashada kuraasta lagu muransan yahay lana buriyo go’aanadii ay gaareen guddigii xalinta khilaafaadka ee dib u habeynta lagu sameeyay

waxay soo jeediyeen Golaha Midowga Musharaxiinta in Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergooyinka ay noqdaan kuwii ka tirsanaa 135-tii Oday dhaqan islamarkaana la faafiyo liiska magacyadooda inta aysan doorashadu bilaaban Farmaajo iyo maamul goboleedyada daacadda u ah ay joojiyaan musuqmaasuqa doorasho ee ka socda dowlad goboleedyadooda Golaha wadatashigu uu dejiyo jadwal gaar ah oo ku aaddan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha

Waxaan beesha caalamka ugu baaqaynaa inay si firfircoon uga qaybqaataan sidii ay doorasho xor iyo xalaal ah u dhici lahayd, isla markaana aanu Farmaajo ku shuban

Waxaan kalo ugu baaqaynaa golaha wada tashiga in ay dedejiyaan jadwal gaar ah oo ay ku qabanayaan doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyada.

Dhammaan dadka isugu yimid, Shirka Golaha Wadatashiga Qaran haddii ay ahaan lahaayeen guddoomiyeyaasha gobollada, bulshada rayidka ah, ururka musharraxiinta iyo xitaa beesha caalamka waa in ay taageeraan Ra’iisal Wasaare Roobley si uu u qabto doorasho xalal ah xur ah oo waqtigeeda ku dhacdo

 



Post a Comment

0 Comments