Farmaajo iyo ciidankii uu u diray Baledwayne


Farmaajo ayaa mar kale qaabilay Jeneraal Abuukar Xuud iyo xubno la socday, kuwaas oo cabasho ka ahaa ciidamadii la geeyay magaalada Beledweyne.

Jeneraal Xuud ayaa Farmaajo ku eedeeyey inuu dhabar-jebin ku sameeyay, kadib markii uu Muqdisho uga yeeray, si xiisadda gobolka ay uga wadahlaan, balse markii uu yimid ciidamo loo diray magaalada Beledweyne.

Sidoo kale farmaajo ayaa raba inuu  Qoddobkii ugu cuslaa ee ku jiray ay doorashada ka gaareen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran in uu buriyo, kadib markii uu ciidamo markale ku milay  xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

Ciidamada la geeyey Beledweyne farmaajo ayaa bixiyey miisaaniyadii ku baxday qaadistooda taasina waxay keentay tuhun kale oo weyn oo ah inuu rabo inuu ku boobo doorashada beledwayne

ka dibna Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi cusub oo Wasiirro ah oo qeyb ka noqonaya xal u raadinta xiisada ka taagan Beledweyne, iyagoo amreen in deg deg loo soo celiyo ciidamadii la geeyey magaaladaas.

Post a Comment

0 Comments