Home caafimaadka Faa’iidooyinka faraha badan ee ay KOOSTADU u leedahay jirka & caafimaadka qofk
Faa’iidooyinka faraha badan ee ay KOOSTADU u leedahay jirka & caafimaadka qofk
A C-WARAR
Koostadu waa cagaar la cuno waxaana la ogyahay in markii ugu horeysay lagu
arkay Dalka Iran. In kasta oo hadda badanaa ay dunida gaartay oo laga
isticmaalo.
Koostadu waa caleen cunto iyo cabitaan labadaba loo isticmaalo. Koostadu
waxaa ay sare u qaaddaa caafimaadka qofka.
Waxaa laga Helaa Nafaqo aad u badan koostadu waxay ka mid tahay dhirta ugu
fiican ee la cuno
Koostada waxaa aad uga buuxa maadooyinka, soo socda ee macaadinta iyo
fitamiinka iskugu jira sida:
– Niacin
– Zinc
– Protein
– Vitamin A.C.E.K.
– Thiamin
– vitamin B6
– Calcium Birta (iron)
– Magnesium
– POtassium
– Copper
Guud ahaan koostada Waxaa ku yar dufanka iyo kolestaroolka
Waa qudaar kulansatay nafaqo kala duwan oo jirka qeybihiisa kala duwan wax u
tarto leh.
Waxaa kaloo kujira maadada (Folate) taasoo la aamisan yahay in caafimaad u
leedahay xididada soo galo wadnaha.
Maadada magnesium ee ku jirta koostada waxay ka qeyb qaadataa cadaadiska
dhiigga (blood pressure).
Koostadu waxaa beerka ka caawisaa soo saarista dhecaan beerka uu soo saaro
taasoo muhiim u ah qashin saarka iyo dheefshiidka cuntada dufanka leh.
Koostadu waxaa ay u fiicantahay dheefshiidka gaar ahaan calool fadhiga
Koostada waxaa kaloo u fiicantahay dadka qaba gaaska iyo ulcer
Koostada Waxaa la siinkara caruurta markii ay garaan 12 bilood
Iyagoo ka helayo kobcin xaga maskaxda iyo koritanka jirka.
Daraasad dhawaan la Sameeyay waxaa lagu ogaday in koostada ay kobciso
xasuusta shaqada maskaxda.
Koostada waa in la uumiyaa ee lama kariyo haddii la karkariyo waxaa ka
dhinta nafaqada ay xambaarsan tahay.
Markii la uumiyo dheecaanka ay dhashane lama daadiyo ee suugo ahaan ayaa
laga dhigtaa si aysan kuu dhaafin nafaqooyinka ay leedahay.
Haddii aad heli karto koosto fresh ah taas ayaa nafaqo badan iskaga ilaali
mida la warshadeyay.
0 Comments