Benzema: Dadka Dhaleeceeya Lionel Messi, Waxba Kama Garanayaan Kubada Cagta.

 

ciyaarah

A C-WARAR

“Waxay noqon doontaa wax lala yaabo in aan la kulmo sanado badan kadib oo uu joogay Barcelona”ayuu Karim Benzema u sheegay Telefoot mar wax laga waydiiyay kulanka uu Leo Messi ka hor imanayo wareega 16 ka champions League ee ay la ciyaarayaan PSG.

“Waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, ayuu yiri.

“Sababta uuna ilaa haatan qaab ciyaareed fiican ugi soo bandhigin PSG?” Kaliya waxa uu u baahanyahay la qabsi sababta oo ah ma dhaliyo goolal badan laakiin bal eeg waxa uu ka qabto garoonka

“Si kastaba ha ahaatee, ma dhaleeceyn kartid ciyaaryahan sidaas oo kale ah, dadka dhaleeceeya Messi ma fahmaan kubada cagta, runtii”.

Benzema iyo Messi ayaa isha ku haya in ay kooxohooda PSG iyo Real Madrid ka cawiyaan in ay iska xaadiriyaan wareega xiga ee tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

 

Post a Comment

0 Comments