Banaanbaxyo waaweyn oo lagu diidan yahay afgambiga Farmaajo oo gilgilay muqdisho

 

Dibadbax ballaaran oo kasocdo muqdisho

A C-WARAR

Kulan looga soo horjeeday afgambigii fashilmay ee ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Muqdisho lagu qabtay ayaa looga dhawaaqay dibadbax ballaaran oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Rooble islamarkaana looga soo horjeedo madaxweynihii hore kaligii taliye Farmaajo

Dibadbaxaan ayaa dunida loogu cadeynayaa sida uu shacabka uga soo horjeedo in Farmajo uu sii joogo Villa Somalia islamarkaana aysan u rabin in markale uu carqaladeeyo doorashooyinka uu hogaankeeda hayo Ra’iisul Wasaare Rooble

Waa in meel walba laga soo baxaa oo aan cadeynaa in aan aqbaleyn inqilaab iyo awood maroorsi dhibaatada iyo duruufta na haysata waan ognahay haddii aan iska indho tireyn markaa waa in la isku soo baxo Waxaan rabnaa in aan soo saarno hal milyan oo qof oo soo baxaan odayaasha

 haweenka ganacsatada iyo dhalinyarada oo ay hogaamiyaan siyaasiyiinta waxaa rabnaa in wixii hore noo soo maray aysan markale noo soo marin

dhenacakale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baaritaan dhab ah ku sameysa ciddii ku lugta laheyd af-gambigii fashilmay ee 27-kii bishaan lagu qaaday hay’addaha dastuuriga ee dalka.

Guddiga ayaa baaris dhmaeystiran ku sameynaya sidii ay wax u dhaceen, isagoo Ra’iisul Wasaarahu wacad ku maray in uu sharciga la tiigsanayo cidkasta oo ka dambeysay arrintaas

Waxaan taageersanahay go’aankii uu Ra’iisal Wasaare Rooble ku magacaabay guddi soo baara isku daygii afgambi ee Farmaajo

Waxaan kaloo codsaneynaa in shaqada laga eryo dhammaan taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee taageersan Farmaajo, kuwii ka qeyb qaatay isku daygii afgambiga ama kuwii awood u adeegsaday bannaanbax nabadeed oo looga soo horjeeday Farmaajo.


Post a Comment

0 Comments