Al-Shabaab oo dab qabad siiyeen deegaano ku dhow magaalada Muqdisho


Kooxda Al-Shabaab  ayaa dab qabad siiyey tuulooyin ku dhow caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Tuulooyinka ay Al-Shabaab dabka qabad siiyeen ayaa kala ah Mareerey iyo Mukay Dheere ee duleedka degmada Balcad

Boqollaalka qoys ee tuulooyinkaasi ka barakacay, ayaa hadda waxa duruufo nololeed oo aad u adag, ku haystaan degmada Balcad oo ay ku soo qaxeen.

Sababta ay u gubeen tullooyinkaas ayaa ah inay soo dhaweeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab waxay ku sugan yihiin Muqdisho, balse ciidamadii loo soo tababaray la dagaalanka alshabaab.

Farmaajo wuxu u isticmaalayaa calooshood u shaqeystayaalnimo isagoo ku boobaya doorashada, halkii ay kala dagaalami lahaayeen Al-Shabaab.

Hadaba farmaajo oo kursiga ka dega mooyane lagama adkaan karo Alshabaab.

Post a Comment

0 Comments