Xiddigaha u safan doona kooxda Liverpool Kulanka AC Milan Ee Caawa Oo la Shaaciyey

ciyaaraha


 A C-WARAR

 Liverpool ayaa safar ku tagtay waddanka Talyaaniga oo ay ciyaarta ugu dambaysa wareegga koowaad ee Group-yada Champions League ay AC Milan kula soo ciyaari doonaan.

Reds ayaa waqti hore u gudubtay wareegga 16ka iyadoo xaqiijisatay kaalinta koowaad ee Group B, waxaana muuqata in Jurgen  Klopp uu samaynayo isbeddello waaweyn caawa isaga oo liiskiisa ka reebay dhawr laacib oo muhiim ah.

Ciyaartii hore ee labadan kooxood, waxa 3-2 ku badisay Liverpool, hase yeeshee AC Milan ayaa haddii ay guuleysato waxay usoo bixi kartaa wareegga 16ka inkasta oo ay u baahan yihiin in FC Porto laga badiyo.

Difaaca reer Netherlands ee Virgil van Dijk iyo kabtan Jordan Henderson ayaa ka maqan liiska ciyaartoyda Liverpool ee u safray Talyaaniga, hase yeeshee waxa dib ugu soo laabtay labada ciyaartoy ee Joe Gomez iyo Naby Keita oo kasoo kabtay dhaawacyo ay muddo ku maqnaayeen.

Weeraryahanka reer Portugal ee Diogo Jota ayaa isaguna dhaawac ku seegaya ciyaartan, taas oo ka dhigan in Divock Origi uu kusoo bilaaban doono afka hore maadaama uu sidoo kale maqan yahay Roberto Firmino.

Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa ugu yaraan uu midkood kusoo bilaaban doonaa weerarka, halka laacibiinta da’da yar ee Tyler Morton, Harvey Davies, Conor Bradley iyo Elijah Dixon-Bonner ay sugayaan inay fursad ka helaan ciyaarta caawa.

Xiddigaha Liverpool ee kulanka AC Milan

Goolka: Alisson, Kelleher, Pitaluga, Karius, Davies.

Difaaca: Matip, Gomez, Konate, Phillips, Alexander-Arnold, Robertson, Tsimikas, Williams, Bradley.

Khadka dhexe: Fabinho, Oxlade-Chamberlain, Keita, Morton, Dixon-Bonner.

Weerarla: Salah, Mane, Origi, Minamino.

 

Post a Comment

0 Comments