Wiil iyo Gabadh oo walaalo ah oo Xalay lagu dilay Muqdisho oo la diiday in la aaso

 

muqdisho

A C-WARAR    

Muqdisho ( Kalshaale ) magaalada Muqdisho waxaaXalay Ciidamo la sheegay inay ka tirsanayeen Ciidamada Dawladda Soomaalaiya ay ku dileen Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sawda Maxamuud Xuseen oo ahaa Walaalo, Kadib markii gaadhi ay saarnaayeen lagu Furay Rasaas.

Ehelada Labada Marxuum ayaa dalbaday Cadaalad, waxay sheegeen inaan la aasi doonin, ilaa ay dawladdu kasoo qabato dadkii dilay.

“Waxaa nagu dhacday Dhacdo Xanuun Badan , Ilaa Cadaalad laga helayo lama aasi doono, Dadkaasi waxay ahaayeen Dhalinyaro , Dambi ma aysan gelin ” Ayuu yidhi mid kamid ehelada.

“Runtii arinkaasi waa mid Naxdin badan, Samir alle haka siiyo ehelka ay ka baxeen, Waxaan sugaynaa Cidii falkan gaysatay, Cadaalad ayaanu dalbanaynaa, Hadii la keeni waayo waa raadsan karaa.”

 

Post a Comment

0 Comments