Ururka Caafimaadka Adduunka oo ka digay khatarta Omicron

 

caafimaadka

A C-WARAR

    

Kadib markii Xanuunkan uu noqday nooca ugu halista badan dhamaan faracyada Corona, ayuu Ururka Caafimaadka Adduunka, waxuu ku dhawaaqay walaaca ay ka qabaan khatarta Feyruskan Omicron.

Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa sheegay in Xanuunkan uu leeyahay koro faafitaan ah oo laba jibaar ka badan feyruska delta iyo faafid degdegga ah.

Feyruskan ayaa la sheegay in markii ugu horeysay laga helay dalka Koonfur Afrika, 24-kii bishii November ee sanadkan, sidokale waxaa la sheegay in Omicron uu sababi karo cudurro cusub oo halis ah.

Sidoo kale Digniintan ayaa ku soo beegameysa xilli Xanuunkan Omicron ee Corona uu khatar Caafimaad ku hayo qaar ka mid ah Waddamada Caalamka, kaasi oo la sheegay in dadka uu soo rito maalintii ay garayaan 200,000, halka dadka u dhintayna lagu sheegay 5.5 milyan oo qof.

 

Post a Comment

0 Comments