Rooble ayaa sii wada xatooyada doorashada isagoo ugu daneenaayo saaxbkii farmaajo

doorashooyinka

 A C-WARAR

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo wareysi siiyey VOA ayaa soo saaray go’aan cusub oo la xiriira muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Cirro ayaa shaaca ka qaaday in doorarashada aan la joojin doonin, balse iyada oo socoto la xallinayo wixii tabasho ah, taas oo meesha ka saareysa dalabkii hakinta ee Musharixiinta.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu soo dhoweynayo in shirweyne la’isugu yimaado, si loo dhammeeyo muranka hareeyey doorashooyinka socda ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

“In guddiyadeennu wixii ay qaldamay ay saxaan waa waajib lagu leeyahay, Laakiin waxay u baahan tahay dhinacyo badan oo iskaashi leh,” ayuu yiri gudoomiyaha gudiga doorashada.

Maxamed Cirro ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha mucaaradka inay ku kalsoonaadaan guddiyada maamulaya doorashooyinka 2021-ka, ayna kala shaqeeyaan doorashada.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo horay Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka ay u qaadaceen doorashada Golaha Shacabka, kadibna ay dalbadeen in gabi ahaan la joojiyo doorashada, si loo xalliyo ‘boob’ ay sheegeen in lagu hayo kuraasta baarlamaanka.

Warkan ayaa sidoo kale waxa uu imaanayaa ka dib markii Ra’isul wasaare Rooble uu ku gacan seyray baaqii mucaaradka ee ahaa in la joojiyo doorashada islamarkaana uu amray in la sii wado waxaana mowqifka Rooble uu daliil u yahay kala fogaanshaha isaga iyo mucaaradka oo mar ahaan jiray saaxiibo xoogan oo ay isku heyb yihiin Madaxweyne Farmajo

Rooble hadii uu sidan ku sii socdo oo aan la xalin boobkii iyo musuq-maasuqii lagu sameeyay kuraas hore waxa muuqaneysa in uu daba dhilif u yahay Farmajo oo uusan dhex dhexaad ka aheyn doorashada dalka ka dhaceysa

Hadaba hadii uu Rooble doorashada kusii wado sidan isagoo aan xal ka keenin boobkii iyo isdabamarintii kuraastii hore wuxuu si cad u cadeyneysaa inuu daba-dhilif u yahay Farmaajo oo aanu dhexdhexaad ka ahayn doorashooyinka dalka ka socda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku jirta xaalad adag oo kala guur ah, taas oo ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka oo ay ka taagan tahay dood culus oo dib usii dhigi karta.

 

Post a Comment

0 Comments