Qeybtii ugu horreysay ee ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo goordhow laga soo dajiyay magaaladda Muqdisho.

 

Askartii Soomaaliyeed oo ka soo laabtay Eritrea

A C-WARAR

Askar ka tirsan ciidankii tababarka loogu qaaday waddanka Eritrea ayaa maanta dalka dib loogu soo celiyay ciidankaan oo la sheego in qaar ku dhinteen dagaalkii Gobolka Tigreega ee Woqooyiga wadanka Itoobiya ayaa intooda badan dhawaan lagu soo celi doonaa magaalada Muqdisho

sida uu yahay qorshaha kaligii taliye Farmaajo Tirada maanta la keenay waa 200 oo Askari Waxaana saanada ciidan iyo hubkii ay qaadan lahayn laga keenay wadanka Turkey-ga oo Soomaali ka taageera arrimo fara badan oo ay qayb ka tahay qalabeynta ciidamada ciidankaan howshooda

waxaa gacanta ku haya Fahad Yaasiin iyo  kaligii taliye Farmajo waxaana waqtigaan kala guurka loogu soo aadiyey sidii mucaaradka loogu adeegsan lahaa si doorashada loogu boobo ama awood ciidan dalka loogu wareego shacabka somaliyeed waa in ay ka hortagaan dhibaatadaan uu farmajo u maleegayo dalkeena

Qeeybtii ugu horeeysay maleeyshiyo beeleedyadii Farmaajo ku heeybta ahaa ee uu tababarka ugu qaaday Eriteriya oo uu Muqdisho kasoo dajiyay waxaana maleeyshiyadds la dajiyay saldhig melleteri

waxaana la qorshanayaa in hub loo qeybiyo si ay ufuliyaan ajandayaasha siyaasadeed ee Farmaajo xasuuqna u geestaan shacabka ku dhan Muqdisho ee u dhashay Hawiye wuxuuna Farmaajo qabiil qabiil u kala saaray ciidankii tababarka ugu qaaday Eriteriya wuxuuna dhalinyaradii Hawiye ku baabi'iyay dagaalka Itoobiya

halka uu kuwii ku heeybta ahaa ee la soo baray sida loo burburiyo cadowga gudaha dalka uu bilaabey in uu dalka ugu soo celiyo kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 3500 Hawiyow iska dhacsha inta uusan marasta in ka xasuuqin dhiigacabkan ka haray haraadigii Afwayne ee aarsiga u socda ee ka kaca fadhiga.

Ra’iisul Wasaare Rooble waa in uu caddeeyaa dhammaan xaqiiqooyinka ku saabsan askarta, gaar ahaan in soo laabashadooda ay ku soo beegantay isla maalintii uu booqday Eritrea, taasoo ka dhigan in uu ku lug leeyahay fadeexadan dowladda. Midda kale Farmaajo waa in maxkamad lagu soo taago dhallinteena u soo diray dagaalka Tigray.

Soo laabashada askartan ayaa cadeynaysa in Farmaajo uu horay uga been sheegay in aysan jirin wax askar ah oo ka maqan dalka Eritrea waa in maxkamad lagu soo taago dhalinyaradii uu u diray Ereteriya, sidoo kale in uu ka been sheegay in uu wax ka og yahay markii ay shacabka bannaanbax dhigeen in wiilashooda loo soo celiyo sida lawada rumeeysan yahay inta ugu badan ciidankaas waxa lagu laayey dagaalka tigrey soo noqoshadooda waa mid lagama maarmaan nolol iyo geeri

Post a Comment

0 Comments