In ka badan 40 geel ah ayaa tartanka quruxda Geela ee dalka Sacuudiga laga
reebay ka dib markii la ogaaday in irbad lagu muday si faruuryuhu u waynaadaan
isla markana qaarkood loo soo mariyay waxyaabah jirka lagu qurxiyo.
Tartankan oo lagu magacaabo tartanka boqor Cabdulcasiis ayaa waxaa lagu
bixiyaa abaalmarino qaali ah.
Tartanka quruxda Geela ayaa qofka uu geelkiisu ku guuleysto waxaa la
siinayaa lacag dhan $66 milyan oo doolar. Waxyaabaha la eegayo tartankan
waxaa ka mid ah faruuryo dhaadheer, San balaaran iyo kurus dheer.
Garsoorayaasha ayaa wsaxay adeegsadeen tiknoolajiyad hormarsan si loo kala
saaro geela asalka ah iyo kuwa la isticmaalay kimikooyiin si loo qurxiyo.
Qabanqaabiyayaasha tartankan ayaa waxay sheegeen inay “aad ugu faraxsan
yihiin in ay joojiyeen geela qurxinta aan dabiiciga ahayn lagu sameeyay
islamarkana waxay ballanqaadeen in mustaqbalka ay soo rogi doonaan ganaaxyo
adag si looga hortago khiyaanada .
0 Comments