Muxuu yahay Barnaamijka ka baxay TV Universal ee Sida wayn Bulshadu uga naxday,


Barnaamij ka yaabiyey umadii

A -C WARAR

Mowduuc ka baxay Telefishinka Universal Xalay  Gabdho badan ayaa ku dooday in “ Soddohdayda ma rabo ama gurigayga yaysan imaan Hooyada dhashay Ninkayga”.

Waa cajiib. Diinta waxay waalidka, gaar ahaan Hooyada ka tiri waa la wada ogyahay.

Gabadhii caqli badan lehna way ogtahay wiil waa Hooyadiis. Ragga inta ugu badan Hooyooyinkooda wax ay ka jecel yihiin dunidaan ma jiro.

Nin hooyadiis laga jaray oo caasi waalideyn ahna Ilaahay Carradiisa ayaaba heysato, waayo Xadiis dhahayo ayaa jiro: “Raali ahaanshaha Rabbiga raali ahaanshaha waalidka ayay ku jirtaa, carrada Rabbiga carrada waalidka ayay ku jirtaa”.

Midda xigta labadii qof ee is qabta haddii ay waalidiintii dhashay xushmeyn waayaan, ayagana ilmahooda ayaanan gadaal danbe xushmeyn doonin. Sida aad ninkaaga hooyadiis u nacsiisay, ayaa wiilkaaga adigana laguu nacsiin doonaa.

Waalid waa waalid, Hooyana wax ka qaalisan dunidan ma jirto.

Nin Rag ah haddii uu hal Milyan oo ilmo ah dhalo xataa, Ilmahaasi dhan hooyadiis ayaa uga qaalisan, sababtoo Alle ka sokoow ayada madaxeeda ayuu dunidan ku joogaa.

Marka gabdho Raggiina hooyooyinkooda waa hooyooyinkiina, haddii aad hooyooyinka raggiina ixtiraami waysaanna, raggiina ixtiraam uma heysaan. Ninkii aqbala hooyadiis inaanan la ixtiraamina nin ma ahan dhabtii, waayo qofkii hooyadiisa qiimeyn waayay adigana qiimo kuuma haayo, suura gal cabsi ama caqli kale inuu kugula joogo.

Ragga ayagana waxaa laga rabaa inay Ixtiraamaan Waalidiintooda dhan oo ay ku jiraan gabadha waalidkeeda, sidoo kalena xarig fiican oo dadka isku haaya, isku keena ay noqdaan, Xaasaskooda iyo Hooyooyinkooda si wacan isku fahamsiiyaan.

Ceeb yaaqe, Hooyo waa Janno Adduun, qofkii heystaa nasiib leh, xataa haddii ay hooyo ad adag tahay, waa waalid sidaas waa inuu qofku ku qaato.

Post a Comment

0 Comments