Musharixiinta Mucaaridka oo Ku baaqay in la Joojiyo Doorashada, Kuna tilmaamey wax socdo in ay tahay boob doorasho

farmaajo


 A C-WARAR

Midowga Musharaxiinta ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xaalada doorashada, iyagoo soo jeediyay in doorashada la hakiyo, shir wadatashi la isugu yimaado, si loo joojiyo boobka, lana xaliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku bilowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in la saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada oo ay ugu horeyso in la shaaciyo liiska 135 Oday dhaqameed iyo in la xaqiijiyo Ergada doorashada ay yihiin kuwo ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka ee la diiwaan geliyay. Mucaaradku waxay dalbanayaan in goob-joogayaal caalami ah iyo kuwa madax-banaan la geeyo goobaha codbixinta si ay u qabtaan doorasho xor ah.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeyb galaan doorashooyinka, haddii la waafajiyo shuruudaha ay soo jeediyeen, haddii la baal maro waxay qaadi doonaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah samata bixinta Qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo loo qaadan karo inay tahay inay dhisayaan Gole Kumeelgaadh ah oo dalka maamula.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in marnaba la aqbali karin in meesha laga saaro xuquuqda iyo xoriyadda muwaadiniinta oo xaq dastuuri ah.

Waxa uu si adag u sheegay in khad cas oo aan laga gudbi karin ay tahay xoriyada muwaadinka, xilli doorashooyinka dalka ka socda qaar kamid ah muwaadiniinta lagu duudsiiyey xaqoodii sharciga ahaa.

In doorashada lagu shubto oo la sii wado waxay kicinaysaa caradha shacabka waxayna dalka u horseedi doontaa dagaal sokeeye oo ka dhashay dulmiga beelaha lagu haayo ee doorashooyinka aqalka hoose

Madaxweynaha xilka ka degaya ee Farmaajo haddii uu waayo cid ka hor-tagta falkiisa waxa uu sii wadi doonaa musuq-maasuqa hanaanka doorashada haddaba waa inaan dhamaanteen taageernaa go’aanka midowga musharraxiinta ee ku aadanaa in doorashada lagu qabtaa xor iyo xalaal

si loo waayo boob doorasho ama inay somaliya ka dhacdo dagaalo sokeeye oo aan waxba laysku reeban sii wadista farmajo ku shubashada hanaanka doorashada waxay dhalin doontaa caro shacabka waxayna dalka u horseedi doontaa dagaal sokeeye oo ka dhashay caburinta Farmaajo ee qabyaalada

 





Post a Comment

0 Comments