kooxda Liverpool oo ka xun Baajinta Kulanka Leeds United

 

ciyaaraha

A C-WARAR

Waxa la xaqiijiyay in la baajiyay kulankii ay Liverpool Axada la ciyaari lahayd Leeds United ee ka tirsanaa horyaalka premier League sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Laakiin warkaas ayaa ah mid u xun Liverpool iyo Jurgen Klopp sabab la xidhiidha xiddiga Andy Robertson kaas oo casaanka tooska ah qaatay kulankii Tottenham ee horyaalka premier League.

Andy Robertson ayaa seegaya 3 kulan kadib markii loo taagay kaadhka cas kulankii Tottenham waxana uu haatan seegay kulankii Carabao cup-ka ee ay Liverpool ka badisay kooxda Leice

Waxa u hadhsanaa 2 kulan isaga oo seegayay kulamada Leeds United iyo leicester City horyaalka premier League isla markaasna taam u noqon lahaa kulanka chelsea ee 2 bisha January.

Laakiin haatan maadama la baajiyay kulankii Leeds Unitd, Andy Robertson ayaa seegi doona kulanka Leicester City iyo kulanka Muhiimka u ah kooxdiisa ee ay la ciyaari doonaan Chelsea.

 

Post a Comment

0 Comments