Khilaafka Rooble iyo Farmaajo waa iska hor imaad dalka u horseedaya dagaal sokeeye

 

khilaaf cusub

A C -WARAR

Waxaa maanta siwayn looga darmeeyaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda ah  Xaalad Siyaasadeed oo kacsan, Kadib Khilaafka  cusub ee ka dhex bilowday Madaxwaynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Go'aanadii uu qaatay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo waxay halis ku yihiin jiritaanka Dowladnimada iyo Xasiloonida Dalka xalkiisu wuxuu ku jiraa oo kaliya dhamaystirka doorashadii lagu heshiiyay lana saxo wixii ka khaldan taasoo loo igmaday hoggaaminteeda RW Rooble

talaabooyinka khaldan ee hareermarsan sharciga oo horseedi karo qalqal siyaasadeed cidna looguma dulqaadan karo waxaana ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu dib uga joogsado faragelinta arrimaha Doorashada

bulshada Soomaaliyeed waa inaysan aqbalin in la majaxaabiyo dowladnimada dalkana dib loogu celiyo burbur iyo dagaal sokeeye Waxaana ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in aynu meel ugasoo wada jeesanno badbaadada Dalka iyo Dowladnimada

Farmaajo oo hanti dhowruhu xaqiijiyey in uu lunsaday Milyan Dollar sidoo kale dalka ka dhigay waadanka ugu musuqmaasuqa badan adunka, ayaa haddana uu doonayo in uu Rooble ku eedeyo musuq maasuq waa arin loogu qoslo.Waana qorshe uu ku doonayo inuu dalka u horseedaya dagaal sokeeye.

Farmaajo mxu dalka ka yahy, mida kale Farmaajo sharciyad maheesto, masuulka kaliya ee sida sharciga dalka ku joogo waa Rooble, Cid wax ka bedeli kartaana ma jirto

mustaqbalka dalka uu galay mugdi isla markaasna ay Maanta joogto in la weeraro xafiiska Ra’isulwasaarihii dalka.” Waxaa shaki ku jirin in Maanta dalkeena galay xaalad mugdi ah,  waxaa shaki ku jirin in mustaqbalkeena iyo mustaqbalka ubadkeena Maanta la huwiyey khatar aan indhaha laga qarsan karin, waxaana Maanta taaganahay in xafiiska Ra’isuwasaarihii loo igmaday inuu daadihiyo doorashada Dalka ciidamo la dul dhigo

waa Nasiib darro waxaa muuqda in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday oo looga fadhiyey door odaynimo inuu ka doortay inuu dalka u jeeheeyo godki mugdiga ahaa ee horey looga dhacay 30 sano ka hor” ayuu sii raaciyey.

Waa caddahay halka uu Dalka u wado farmaajo waayo waxaa muuqata inuu go’aansaday inuu isku qaso Dab iyo Gaas , in iyadoo Abaaro jiraan, argagixisadii ay Shacabka gumaadayaan, dhaqaalihii uu hoos u socdo, hey’adihii dalka ay wada cuuryaansan yihiin dadka Soomaaliyeedna ay doorasho sugayaan in ninkii Ummadda Soomaaliyeed u dooratay inuu dhibka ka saaro isagana laga rabay inuu bixiyo dulqaadka ugu badan inuu rabo inuu kaarayaal dalka ku xukumo” ayuu sii raaciyuey.

Post a Comment

0 Comments