Farmaajo oo madax goboleedyada iyo rooble u adeegsanaayo in ay u dhacaan doorashada

booka doorashooyinka



 A C-WARAR

RW rooble ayaa sheegay inuu cadaadis xoog leh kala kulmayo farmajo taasi oo muujineyso in farmaajo uu rabo wax isdaba marin lagu sameeyay doorashada si uu ugu caawiyo roobleinuu farmaajo ku shubto codadka dib u dhaca doorashada 4-ta kursi ee gobolada waqooyi ee maanta lagu waday inay dhacdo magaalada muqdisho ay tahay talaabadii ugu horeysay ee farmajo uu ku doonayo inuu ku qariyo musuq-maasuqiisa uu ku doonayo inuu doorashada ku boobo

Farmajo ayaa ku amray madax goboleedyada taabacsan inay hakiyaan doorashada golaha shacabka sida ay ilo-wareeedyo lagu kalsoon yahay ay inoo sheegeen madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo kan Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen

oo aad ugu dhow Farmajo ayaa maamul goboleedyadoodu yihiin kuwa kaliya ee illaa hadda qabtay doorashada kuraas ka mid ah golaha shacabka hase yeeshee waxay kala kulmeen fadeexad iyo cambaareyn weyn kadib markii ay shaqsiyaad ay ayaga wataan iyo kuwa ka socda dhanka Farmajo u boobeen kuraasta

Farmaajo ayaa wax walba u adeegsanaya sidii uu meesha uga saari lahaa wax is daba marin uu ku sameeyay doorashooyinkii hore, sidaas darteedna uu dib u dhac ku keenayo doorashada 4-ta kursi ee gobolada Waqooyi ee maanta dhici lahayd, waana kan qorshihiisa.

Farmaajo ayaa hadda aaminsan in go’aankii maamulka doorashada lagu wareejiyay Ruble uu ahaa mid ka miro dhal ahaa sidii uu filayay, sababtoo ah; Saameyn xooggan ayuu ku leeyahay doorashada, si kastaba ha ahaatee, ma jirto cid ku eedeyn karta inuu sida Rooble u bililiqeystay, waxaana mas’uul ka ah maamullada doorashada.

dib u dhaca doorashada 4-ta kursi ee gobolada Waqooyi ee maanta lagu waday inay dhacdo ay tahay talaabadii ugu horeysay ee Farmajo uu ku doonayo inuu ku qariyo musuq-maasuqa uu ka galay doorashada

 

Post a Comment

0 Comments