Farmaajo oo bilaabey in uu ka huriyo dagaal Puntland kadib Hirshabeelle iyo galmuddug

puntland

A C-WARAR

 magaalada Boosaaso waxaa maalintii Labaad ka socda dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada Puntland iyo Ciidanka Khaaska ah ee PSF oo muddooyinkii dambe ay xiisad u dhaxaysay.

Dagaalka ayaa bilowday salaadii Subax ee saaka, waxaana Gudaha magaalada laga maqlayaa Rasaas Culus iyo Hubka Noocyadiisa kala duwan.

maamulka Puntland waxa uu Dowladda Dhexe ku eedeeyey in ay qeyb ka yihiin Dagaalka ka socdo Magaaladda Boosaaso una dhaxeeyo ciidan ka amar qaato Saciid Deni iyo ciidanka PSF duqa Boosaaso, Cabdiqani Axmed Ismaaciil Deera-dile oo dowladda u hadlay ayaa sheegey in ciidamada Gorgor ay hoobiyayaal ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada Boosaaso 

Boqolaal qoys ayaa sidoo kale guryahoodauga barakacay dagaalka socda qaar kaloo badan ayaa awooddi la’ in ay guuraan, iyadoo jidadkii ka xirmeen Farmajo wuxu dib ugu soo celinayaa dagaalka magaalada ka dib markii ay hore xal uga gaareen ciidamada PSF iyo Saciid Deni Farmaajo waa kaligii-taliye dhiig-miirato ah

oo aan dan ka lahayn dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee dagaallada uu ku doonayo inuu xilka ku sii hayo ama doorashada uu ku boobo si uu xukunka ugu sii joogo waa in shacabka ay ka hor imaadaan ayna sameeyaan banaanbaxyo waaweyn oo looga saarayo farmajo villa somaliya

Farmaajo ayaa huriyay dagaalka Puntland kadib markii uu ku guul dareesety in uu musuqmaasuqeeyo doorashooyinka kadhacayQori dableh buu la wareegayaa meel kastana Farmaajo dadkii soomaaliyeed waa eedeen abaal koodana wuxuu kadhigay inuu iska hor keeno xukun jacayl dartiis

Farmaajo waa hogaamiye kaligii talis ah oo dhiig badan ku daatay oo aan dan ka lahayn dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee dagaalada uu ku jiro si uu xilka u sii hayo. Farmaajo oo adeegsanaya ciidamada PSF ayaa dagaalka ka hurinayo Puntland ka dib marku wayey meel uu kasoo galo si uu ugu shubto doorashada.


Post a Comment

0 Comments