Doorashada Dalka oo Jadwalkii loogu talagaley Fashilmay & beesha caalmka oo baaq u direy dawlada

 

doorashooyinka

A C-WARAR

Jadwalkii guddiga doorashada heer federaal uu u qorsheeysey in lagu qabto doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ayaa mar kale fashilmay.

Guddiga ayaa 11-kii bishii hore ee November soo saaray jadwal cusub oo dhigaya in bishaan December 24-keeda la soo gabagabeeyo doorashada xildhibaanada golaha shacabka taas oo shalay ku beegneyd.

Waa markii saddexaad oo uu dib u dhac iyo fashil ku yimaado jadwal doorasho oo ka soo baxay guddiga hir-gelinta doorashada dalka ee heer federaal, shantii bilood ee u dambeysay.

Xubnaha dooran 50 xildhibaan ma dhama badankoodna waxaa lagu muransan yahay hanaankii ay kursiga ku soo qaateen ilaa hadda doorashada xildhibaanada golaha shacabka waxaana bilaabay koonfur galbeed galmudug iyo guddiga doorashada reer waqooyiga

balse inta badan kuraastii la doortay waxaa ka daba yeereysa qeylo dhaanta qabaa’ilkii lahaa wax isdaba marin iyo dhac kuraas ay tahay sababta ugu weyn ee dib u dhaca doorashada iyo qaadacaada midowga musharaxiinta iyo beelaha ay tahay boobka farmajo iyo rooble ay ku wadaan doorashada si ay u soo saartaan xildhibaano iyaga taageersan si markale xukunka ugu soo laabtaan

Been abuur iyo dhac kuraas aqalka sare iyo aqalka hoose ayaa ah sababta ugu weyn ee dib u dhigaysa doorashada iyo qaadacaada mucaaradka iyo midowga musharaxiinta iyo odayaasha beelaha

Beesha Caalamka ayaa dhoowr jeer sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo musuq-maasuqa hareeyay doorashada, lagana shaqeeyo sidii loo heli lahaa doorasho hufan oo xalaal ah

Post a Comment

0 Comments