Dalool Badda Dhexdeeda Lagu Arkay Oo Hadda La Ogaaday Wuxuu Yahay

Dalool Badda Dhexdeeda Lagu Arkay


A C-WARAR        

16 December 2021

Qof isticmaala baraha bulshada ayaa bishii hore arkay khariidad god madow oo ku taal bartamaha badweynta Baasifiga, taasoo dhalisay muran, iyadoo fikrado kala duwan ay dadka ka dhiibteen godkaas.

Dad badan oo ah kuwa isticmaala baraha bulshada ayaa is waydiiyay waxa uu noqon karo duleelkaasi badda gudaheeda ka muuqda.

Hadda waxa la ogaaday in ay tahay jasiirad lama degaanka ah ee la yiraahdo Vostok ,taasi oo ka tirsan Jamhuuriyadda Kiribati, oo ah waddan ku yaalla bartamaha Badweynta Baasifigga!

Jasiirad hoos timaada Jamhuuriyadda Kiribati ayaa ku taal badhtamaha Badweynta Baasifiga. '

Daloolkii madow' ee dhowaan lagu arkay bartamaha Badweynta Baasifiga ayaa ugu dambayntii imika qarsoomay oo la wayaay.

Isagoo eegaya khariidadda Google, ayaa mid ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada waxaa uu arkay inuu jiro duleel madow oo aan la aqoon waxa uu yahay oo ku yaalla bartamaha badweynta Pacific.

Si kastaba ha ahaatee, godka madow wuxuu u muuqday mid ka fog wadamada kale ee jasiiradaha, taas oo jahawareerisay dad badan oo baraha bulshada isticmaala.

Maxaa dhacay?

Iyada oo taasi laga duulayo, fikrado badan oo la mid godkani ayaa la baahiyay.

Arintan ayaa dad badan oo isticmaala baraha bulshada ku abuurtay jahwareer.

Fikradihii iyo talooyinkii la soo jeediyay ayaa u muuqday kuwa muujinayay in waxani yahay duleel bada gudaheeda ku yaalla.

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay in laga yaabo inuu yahay foolkaano biyaha hoostooda ku jira. Qaar waxay sheegeen in ay filayaan in ay tahay jasiirad qarsoodi ah ama xero ciidan.

Goobtaasi ayaa ugu dambeyntii la aqoonsaday in ay tahay jasiirad 6440 km bari ka xigta Australia, taasi oo oo leh kayn isku dhex jirta.

Dhirta jasiiradan ku taal waa mid cagaaran mar walba. Markay cirka madoobaado, khariidadaha Google-ka waxay u ekaanaysaa "dalool madow."

Jaziirada ku yaalla Badweynta Baasifigga oo sii koraya

Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Aukland ayaa ogaaday in baaxadda jasiirado dhowr ah oo ku yaal badweynta Baasifiga ay sii kordhayaan inkastoo dhanka kale laga cabsi qabo kor u kaca heerka badda.

Saynis yahanadu waxay ogaadeen in jasiiradaha qaar ay kordheen 8 boqolkiiba 70-kii sano ee la soo dhaafay.

Si loo fahmo isbeddelka, waxay baareen sawirka dayax-gacmeedka iyo macluumaadka laga helay goobahaasi.

Cilmi-baarayaashu waxay rajeynayaan in caddayntu ay ka caawin doonto jasiiradaha si ay ula qabsadaan kulaylka maalmaha soo socda.

 

Post a Comment

0 Comments