banaanbax aad u ballaaran oo ka dhan Ah Madaxweyne Farmaajo oo ka socda Muqdisho

 

banaanbax muqdisho

A C-WARAR

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa cambaareeyey isku¬daygii afgambiga ahaa ee uu 27-ka December 2021 ku kacay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmajo iyagoo sheegeen inuu shalay ciidan dul dhigay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble

oo uu sheegay inuu shaqada ka joojiyey si uu talada dalka ugala wareego xukuumada xil-gaarsiinta tallabaadaas oo markii dambe fashilantay Midowga musharixinta ayaa dalbay in si deg deg ah dacwad looga gudbiyo madaxweynihii hore ee Farmajo iyo intii kale ee ku gacansiisay afganbigaas

Iyagoo ka dalbadeen inuu Farmajo si deg-deg u baneeyo Villa Somalia sida ugu dhaqsaha badan si ay usoo afjaranto carqaladaha iyo shirqoolada uu ka soo maleegaayo guriga ummadda waxayna Golaha ugu baaqayaan Shacabka Soomaaliyeed  in ay difaacaan dastuurka iyo dawladnimada garabna siiyaan Ray’sal wasaaraha kana, hortagaan isku day kasta oo lagu duminaayo hay’adaha dastuuriga ee dalk

 C c shakuur ayaa bartiisa facebooga ku soo qorey  Wasiirro baa la leeyahay dhexdhexaadin ayay wadaan, su’aashu waxay tahay halkey jireen markii Raysal-wasaarahooda la yiri hanti buu dhacay, iyo markii ciidan uu Farmaajo soo diray ay xafiiska Xukuumaddii ay ka tirsanaayeen xireen, iskuna dayeen in ay xoog talada dalka kula wareegaan.

Mid falkaas canbaareeyey lama maqal, balse qaar baa la sheegay in ay safiirrada beesha caalamka ku lahaayeen Farmaajo ayaa saxan, dhexdhexaad maaha qof aan af-gambigii Farmaajo canbaaraynin. Waad maqli doontaan iyagoo leh waan is casilnaysababtoo ah RW ayaa naga talo diiday.

Farmaajo isagu doorasho kamaba shaqeeyo oo sidii dalka mar kale dagaal loo gelin lahaa ayuu ku mashquulsanyahay si fursad uu ku sii joogi karo uu u helo!

Dhinacakale ilo-lagu kalsoonyahay ayaa inoo xaqiijiyey in  Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble uu galabta ku gacan seyray qaar ka mid ah wasiirradiisa oo isku deyey inay waan-waan ka dhex bilaabaan isaga iyo Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo.

Rooble ayaa xubnihii u tegay oo markii hore la soo kulmay Farmaajo waxuu ka dhageystay aragtidooda ku aadan sidii loo xalin halaa khilaafkaan, isagoo intaas kadib ku amray inay shaqooyinkooda qabsadaan,  intii ay ku mashquuli la haayeen waan-waan waqtigeedii dhaaftay.

Xogtaan oo aan ka helnay xubno ka tirsan xafiisyada ugu sareeya xukuumadda, waxay intaas ku dareysaa in wasiirrada isku howlan waan-waanta ee waji gabaxa kala kulmay Rooble uu hoggaaminayey ra’iisul wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed, isla markaana ay qeyb ka ahaayeen wasiirka arrimaha dibadda Cabdisiciid Muuse iyo wasiirka waxbarashada Cabdullahi Carab.

Sidoo kale Qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyadoo haween & dhalinyaro ka qeyb galayaan.

Dibad baxa waxaa hormuud ka ah Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyagoo wata banaanbaxayaasha boorar lagu sawiray Madaxweyne Farmaajo maadaama laga soo horjeedo hanaankii afgembi ee isniintii isbuucaan uu sameeyey.

Isku soo baxayaasha waxay cod dheer ku sheegeen inaysan aqbali doonin keligiis talisnimo waa sida ay warka udhigeen kuna dhawaaqayeen Afgembi maya doorasho haa.

Waxan diyaar u nahay inaan dalka Ka saarno dhagar qabe Farmaajo waa hadalada ay ku dhawaaqayaan dibaxyadu in kastoo kii saaka booliisku kala ceyriyay hada lama oga siduu xaal noqon doon

Dibadbax looga soo horjeedo afgambigii Farmaajo, ayaa waxaa hor istaagay Farxaan Qaroole iyo Kaniif. Raysalwasaaraha Rooble iyo Wasiirkiisa amniga waxaan ka codsanaynaa in ay dadka ka horwareejiyaan haraadiga kaligii taliska.

 

 


Post a Comment

0 Comments