Amniga caasimada muqdishu oo aad u sii xumaanaayo kadib boobkii farmaajo

 

doorashooyinka

A C-WARARA

Safiirada UK iyo Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ayaa sheegay in doorasho lagu shubto oo aan xalaal aheyn ay ka dhalan karto qalalaaso iyaga oo ku baaqay iney dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah si looga fogaado dagaal dib uga qarxo Soomaaliya

dhanka kale shacabka smaliyeed waxay rabaan doorasho xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo oo si nabad ah ku dhacdo labadaasina way wada socdaan haddii aadan laheyn doorasho xalaal ah waxaa hubaal ah iney qalalaaso ka dhalaneyso mana dooneyno inaan aragno qalalaasihii dhacay horraantii sanadkan iyo barakicii kumanaanka ahaa oo ahaa wixii ka dhashay mudo kurdhintii uu sameeystey farmaajo

shacabka waxaay ka hadleen sida ay muhiim u tahay in doorashada ay noqoto mid lagu kalsoon yahay RW Rooble waa inuu gutaa waajibaadkiisa isla markaana uu billaabo tallaabooyin deg-deg ah oo horseeda in la saxo qaabka ay doorashadu u dhacayso ama uu ka baxo saaxadda si midowga musharaxiinta ay u qabtaan doorasho xalal ah

Magaalada Muqdisho ayaa looga cabsi qabaa inay gasho xaalad la mid ah bishii April 2021, markaasi oo ay ka dhaceen dagaallo looga hortagayey muddo kororsigii sharci-darrada ah ee ay sameeyeen Farmaajo iyo Maxmaed Mursal.

Waxaana hubaala in Haddii aan xal deg deg ah la helin, islamarkaana Rooble garwaaqsan in boobka aanu sii socon karin, waxay Muqdisho geli kartaa xaalad la mid ah tii April.

Waxaa hadda caasimadda ka taagan khilaaf siyaasadeed xooggan oo ka dhashay boobka lagu hayo kuraasta golaha shacabka, oo si musuq-maasuq ah loo maareynayo.

Talaabooyinka uu Rooble qaadayo baryahan danbe ayaa ku qasbaysa mucaaradka inay adeegsadaan awoodooda, sidii dhacday bishii April ee la soo dhaafay markii uu fashilmay muddo kororsi sharci darada ahaa ee Farmaajo.

Waxaana nasiib darro inaanu ilaa hadda Rooble qaadin wax tallaabo ah oo lagula xisaabtamayo danbiilayaasha baryahan danbe falalka foosha xun ka gaysanaya muqdisho, iyo inaan ilaa hadda cadaalada la horkeenin kiiskii ikraan tahliil.

Sida ku xusan hishiiskii muqdisho waxa ka masuula amniga iyo doorashada somaliya RW Rooble, waxana in lagala xisaabtamo dilalka iyo qalalaasaha lagu hayo doorashada ee ku soo badana muqdisho baryanahan danbe.

 

Post a Comment

0 Comments