Abaaraha dalka ka jirta oo sii kordhaya iyada oo aan wali dawlada wax ka qaban


Abaaraha ba’an ee dalka ka jirta
  
A C-WARAR                                                                                      

Ugu yaraan 4 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ayaa si xun waxaa u saameeyay gaajo daran ka dib abaaro ba’an oo saameeyay dadka xoollo dhaqatada ah, iyada oo ay dalka ka jiraan caqabada badan oo ay ka mid ah khilaafka doorashada iyo dagaaladda joogtada ah.

Malaayiin qoys ayaa hadda la halgamaya helista adeegyada aasaasiga ah sida cuntada iyo biyaha, taasoo oo xoojinaysa dhibaadata isbeddellada cimilada iyo dhaqaale xumada wadanka ka jirta.

Wararka ayaa sheegaya in goboladda, Jubbooyinka, Gedo iyo Galguduud ay yihiin deegaannada sida ba’an ay u saameeyay abaarta. Maamuladda deegaanka ayaa si joogto ah taageero uga codsaday dowladda federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Qiyaasta ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO ayaa sidoo kale sheegaysa in tirada dadka wajahaya dhibaatada ay kor u dhaafi karto 4.6 milyan, ku dhawaad saddex meelood meel dadka dalka ku nool, marka la gaaro bisha May ee sanadka soo socda.

Shacabka Soomaaliyeed oo sanado badan ku jiray dagaalo u dhexeeya kooxo kala duwan ayaa noqday kuwo si aad ah ugu nugul dhibaatooyinka maadaama ay la kulmeen in ka badan 30 oo dowlad la’aan ah oo ay wehliyaan 12 abaaro daran iyo 19 daadad ah, kuwaas oo natiijadoodu saamayn xun ka dhasheen.

Abaarta ayaa ku soo aaday iyada musharixiinta mucaaradka ay ku eedeeyeen madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu ka weeciyay arrimo culus oo qaranka muhiim u ahaa oo diirada saaray danihiisa gaarka ah. Soomaaliya ayaan wali ku guulaysan dhamaystirka doorashada laba aqal ee Baarlamaanka.

Toddobaadkii hore, FAO waxay ka codsatay la-hawlgalayaasha caalamiga ah in ay dadajiyaan raritaanka raashinka qoysaska ay dhibaatadu saameysey, iyadoo xustay in arrintan si degdeg ah wax looga qabto. Wadamo dhowr ah ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen in ay la shaqeeyaan dowlad-goboleedyada si loo xalliyo masiibadan.

 

Post a Comment

0 Comments