abaalmarinta Globe Soccer Awards ee Dubai oo loo magacaabay ciyaaryahanka sannadka Kylian Mbappe

 

ciyaaraha

A C-WARAR

Kylian Mbappe ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka sannadka ee abaalmarinta Globe Soccer Awards ee Dubai.

Xiddiga reer France ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddiga ay xafiiltamaan ee Robert Lewandowski kadib markii uu u soo ciyaaray kooxaha PSG iyo France

Intaa ka dib, Mbappe ayaa la waydiiyay inuu saadaaliyo xilli ciyaareedka soo socda – iyadoo PSG ay wajihi doonto Real Madrid tartanka Champions League.

Waxa uu u sheegay Sky Sport: “Waxa kaliya ee aan arki karo ama aan saadaalin karo Real Madrid-PSG waa Paris Saint-Germain in ay guuleysato.

“Waxay noqon doontaa kulan adag, laakiin waxaan doonayaa inaan ku guuleysto labada Champions League iyo Koobka Adduunka 2022.”

Lewandowski ayaa ku guuleestay abaal-marin kale Waxa uu ahaa qofka helay abaalmarinta Maradona ee gooldhaliyaha ugu fiican.

 


Post a Comment

0 Comments