Wakiilka xiddiga Paul Pogba Oo Wadnaha Jaray Manchester United

 

ciyaarah

A C-WARA

Wakiilka xiddiga reer France ee Paul Pogba ayaa farriintii ugu cuslayd diray, waxaana uu ka nixiyey Manchester United oo uu u sheegay in laacibkani uu diyaar u yahay inuu soo afjaro waayihiisa Old Trafford oo shantii sannadood ee ugu dambeeyey uu ka ciyaarayay.

Mino Raiola oo ah wakiilka Pogba ayaa ka hadlay mustaqbalka laacibkan oo qandaraaskiisa Manchester United uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, isla  markaana aan wali ogolaanin inuu heshiis cusub u saxeexo Red Devils.

Advertisements

Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo Juventus ayaa si weyn u doonaya kubbad-sameeyahan oo Manchester United ay sannadkii 2016 lacag rikoodh jabis ah kaga soo iibsatay Juventus.

Bisha January ee soo socota ayuu Pogba awood u leeyahay inuu la xaajoodo kooxda uu doono oo uu lasii gaadho heshiis xor ah oo uu xagaaga ugu wareego, waxaana Raiola oo ka hadlay uu bixiyey qishkii ugu weynaa ee ah inuu laacibkani ka baxayo Old Trafford, isagoo si kooban u yidhi ‘December ayaa ah bisha riyada’, taas oo ka dhigan inay heshiis  la gaadhi doonaan koox kale.

Mino Raiola oo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi: “December ayaa ah bishii riyooyinka… anigu ma  joojin karo riyooyinka, laakiin waxa wanaagsan in aanan ka hadal Paul. Haddii aanay qaar ka mid ah ciyaartoydii hore ee Man United aanay igala hadal aniga iyo Paul, waxba uma sii shaqayn doonaan.

“Waa waqti hore in laga hadlo qandaraaska Paul Pogba. Aynu eegno waxa dhaca, aniguna qofna kama joojin karayo inuu riyoodo.”

Paul Pogba oo 28 jir ah ayaa waqtigan dhaawac kaga maqan Manchester United, waxaana la filayaa in aanu garoomada iman doonin illaa laga gaadhayo sannadka cusub ee 2022.

Post a Comment

0 Comments