taageerayaasha Newcastle qaar ka mid ah oo xirtaan khamiisyada iyo cimaamadaha

ciyaarah


 A C -WARAR

Kooxda Newcastle United ayaa taageerayaasheeda waydiisatay in aanayA  xiran xilliyada ciyaaraha "dharka hidaha iyo dhaqanka Carabta ama waxyaabaha madaxa ay ku xirtaan dadka Bariga-Dhexe" kaddib markii milkida kooxdaasi ay la wareegtay shirkad laga leeyahay waddanka Sucuudi Carabiya.

Qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda Magpies-ka lagu naaneeso ayaa soo xirtay dharka Carabta mar ay isugu soo baxeen afaafka hore ee garoonka St James' Park si ay ugu dabaaldagaan iibsashada kooxdaasi.

Dhar noocaasi oo kale ah ayaa la arkayay taageerayaal xiran xilligii ciyaartii ugu horraysay ee kooxdaasi garoonkooda ay ku dheesho tan iyo markii ay milkiilayaasha cusub ay la wareegeen taas oo ay uga hortageen kooxda Tottenham.

"Cid ka tirsan milkiilayaasha cusub oo arrintaasi taageerayaasha sameeyeen lagu dhibaateeyay ma ay jirto," ayey tiri kooxdu.

"Waxa ay aheyd astaan loo gartay inay aheyd soo dhaweyn iyo niyad wanaag," ayay intaasi ku dratay.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxaa suuragal ah in labiska qaabkaas ah uu dhaqan ahaan ahayn mid habboon oo ay suuragal tahay inay dad kale dhibsadaan."

"Newcastle United waxa ay si naxariis leh u waydiisanaysaa taageerayaasheeda inay ka fogaadaan inay xilliyada ciyaarta xirtaan dharka hidaha iyo dhaqanka Carabta iyo waxyaabaha madaxa ay ku xirtaan dadka Bariga-Dhexe haddii aanay caadiyan dharkaasi u xiran".

Waxay Newcastle intaasi ku dartay in "dhammaan dadka booqanaya kooxda, sida caadiga aheydba lagu dhiirrigalinaya inay soo xirtaan waxkasta oo muujinaya dhaqankooda ama diintooda, taas oo qeexaysa bulshada badan ee dhaqamada kala duwan haysta ee ay kooxdan leedahay iyo kooxaha kale ee ay kooxdu ka hesho taageerada."

Newcastle United oo heshiis ay ku qanacsan yihiin Arbacadii ku kala tageen tababare Steve Bruce ayaa 23-ka bishan Oktoobar waxa ay u safri doontaa garoonka kooxda Crystal Palace oo ay la ciyaari doonto ka hor inta ciyaarta xigta ee Horyaalka Ingiriiska garoonkeeda kula dheelin kooxda Chelsea 30-ka bishan Oktoobar.

 

Post a Comment

0 Comments