Sida ugu wanaagsan oo aad ugala hadli karto carruurtaada cudurka coronavirus

 

caafimaadka

 A C-WARAR

Waxaa meel walba ka muuqda wararka ku saabsan fayruska coronavirus markaa annagu carruurta kama qarin karno macluumaadka shucuurta kicin kara, laakiin waxaad ka yarayn kartaa saamaynta xun ee carruurtaada uga timaadda adigoo la yeelanaya wadahadallo furan oo daacad ah.  

1. Qiro in ay caadi tahay in la walaac qabo 

Waxaa la filan karaa in carruurtu ay fahmaan shakiga ama hubaal la'aanta laga yaabo in aad dareensan tahay, ama in ay maqlaan sheekooyin aanan lagu sheegin hab da'da ku habboon. 

Iyaga la eeg walaacyada iyo su'aalaha, adigoo u sheegaya in dhacdooyinka noocan ahi ay adiga walwal kugu dhaliyaan, u sheeg in aanan la filayn in cabsidooda ugu xuni ay dhab isku beddesho. Waa in ay wadahadalka ka baxaan iyagoo fahansan, inkastoo ay waxyaabo xuni dhici karaan, in haddana dad farabadan oo ay ku jiraan khuburiinta dunida hormood u ah ay aad ugu dadaalayaan in ay yareeyaan saamaynta cudurka safmarka, markaa iyagu uma baahna in ay waqti walba cabsi qabaan. 

Isku day in wadahadallada ku saabsan cabsiyaha aad qabto aadan ku yeelanin meel ay ka maqli karaan. Waxay carruurtu maqlaan in ka badan sida aan u aragno, waxaana dhici karta in ay wax si qalad ah u turjuntaan ama in ay dareennada adiga kaa qariyaan. 

2. Dheellitir u hel dhegeysiga wararka 

Waxaa waxtar leh qiyaasaha yar yar ee wararka nolosha dhabta ah ku saabsan ee laga helo ilo la aaminayo. Dhegeysiga iyo daawashada farabadan ayaa waxyeello keeni kara markaa waxaa muhiim ah in la dheellitiro. Waxaa faa'iido xumaan karta in carruurta lagu khasbo dhegeysiga wararka, ama in si xad dhaaf ah la iskugu dayo in iyaga laga qariyo. 

Iska ilaali in aad telefishinka demiso ama bogagga internetka xirto marka ay qolka soo galaan. Waxay tani xiise u gelin kartaa in ay ogaadaan waxa dhab ahaan jira – waqtigaas ayayna waxyaabo badan maskaxda ku sawiran karaan. 

3. Iyaga u sheeg xaqiiqooyinka oo badbaado ugu deeq 

Carruurta dhammaantood, xataa dhowr iyo toban jirka, ayaa raba in ay ogaadaan in waalidkoodu ay iyaga badbaado siin karaan ama nabadda u ilaalin karaan. Habka ugu fiican ee looga wargeliyo badbaadadu waa wararka oo laga hadlo iyadoo la adeegsado xaqiiqooyin furan, kalsooni leh, cad oo run ah. Iyaga kala hadal waxa ay samayn karaan si ay u daryeelaan naftooda iyo dadka kale, adigoo u sharxaya, tusaale ahaan, ahmiyadda ay gacmo mayriddu leedahay.  

Kolba mar warayso si aad u weydiiso haddii ay cudurka safmarka kala hadlaan saaxiibbadood – gaar ahaan haddii ay isticmaalaan abb-yada ama barnaamijyada farriimaha la iskugu diro si ay ula xiriiraan saaxiibbada dugsiga. Iyaga niyadda ugu deji oo u sheeg in ay su'aalo ku weydiin karaan.  

4. Kala hadal nuglanaanta iyo masuuliyadda 

U sharrax in nuglanaantu aanay ahayn daciifnimo; laakiin ay tahay ficilcelin dabiici ah oo laga muujiyo shakiga iyo halista lala kulmo. Kala hadal sida ay u eeg tahay nolosha ku hoos jirta cudurka safmarku oo u sharrax in qaar farabadan oo ka mid ah jawaabcelinaha loo dejiyey si loo ilaalin karo dadka nuglan. 

Fursaddan ka faa'iidayso si aad carruurta u barto in ay noqdaan muwaadiniin masuul ah marka ay koraan.  Raacidda hagista la bixiyey waxay ka dhigan tahay in ay tani dhaafsan tahay shakhsiyaadka, iyo in aan u baahan nahay in aan is wada ilaalinno. 

Iyaga xasuusi in xoogsheegashadu ay marwalba qalad tahay, iyo in aan u baahan nahay in mid kastoo naga mid ahi uu qayb ka dhiibto fidinta naxariista iyo is taageeridda qofba qofka kale. 

Waxaa jira khayraad fiican oo diyaar ah si ay adiga kuu caawiyaan, xataa Hagaha Carruurta ee ku saabsan fayruska Coronavirus ee Xilhayaha Carruurta (Children’s Commissioner) ee halkan, ama Guddiga Joogtada ah ee Hay'ado Iskugu jira (Inter-Agency Standing Committee) ayaa soo saaray buug sheeko oo ay carruurta dunidu u abuureen carruurta kale ee uu saameeyey fayruska coronavirus (COVID-19) waana halkan.  Skotland gudaheed Eilidh, oo ah lataliyaha da' yar ee Xilhayaha Carruurta ee Skotland ayaa qortay  fikradaha ugu fiican ee ay ka hayso sida la isku mashquuliyo inta lagu jiro cudurka safmarka.

Post a Comment

0 Comments