Sida loo Cabbiro Heerkulka Jirka iyo mee laha laga qaado

caafimaadka


A C-WARAR    

Sida loo Cabbiro Heerkulka Jirka

Cabbirka heerkulka waxaa laga qaadi karaa qeybo kala duwan oo jirka ka tirsan: afka, dabada, dhegta ama kilkisha. Helista tirada heerkulka saxa ah waxa ay u baahan tahay tababar qaadasho.

Noocyada heerkulka ee aad qaadi, waxaa ugu saxsan mida dabada laga qaado. Heerkulka afka waa sax haddii sida saxda ah loo qaado.

Heerkulka dhegta saxnimadeedu waxa ay ku xiran tahay waxyabo kale duwan oo ah sida da’da, (sax maha marka ilmaha ama socod baradka laga qaado), dhukayga ama qaabka loo qaado heerkulka dhegta.

Cabbiridda heerkulka ee kilkisha waa mida ugu cabbir xun.  Heerkulka dabada ayaa ah mida ugu fiican ee carurta yar-yar ee ka yar afar (4) sano jir iyo qof kasta oo aan afka isku qaban karin muddada heerkulbeegga amaba aan si ammaana heerkulbeegga afkooda ugu

hayn karin. Qof kasta oo ka weyn afar (4) sano jir oo afka ku hayn kara heerkulbeegga, caadi ahaan heerkulka afka laga qaado ayaa ah cabbirka ugu saxsan. Guud ahaan waxa Jiro Laba nooc oo Heerkulbeeg Heerkulbeegga Lambarka Leh

Heerkulbeegga lambarka leh waxa uu cabbirka heerkulka ku muujiyaa dareenka kulaylka wuxuuna ku shaqeeya batery. Heerkul-beegyada lambarka leh waxa ay caadi ahaan heerkulka ku muujin karaan waqti ka yar 30 ilbiriqsi. Tirooyinka kulka waxaa laga dhax arki karaa dhalada heerkulbeegga.Heerkulbeegga Dhalada ah

Marka heerkulbeegga dhalada ah la istcimaali, waa in aad ruxdaa illaa calaamadda macdanta dareeraha (mercury) ay ka hoos marto 98.6° F (37° C).

Si loo akhriyo heerkulbeegga dhalada ah waxa aad raadisaa meesha ay laynka macdanta dareerahu ku dhammaato adiga oo dhinac u weecin heerkulbeegga illaa aad ka aragtid laynka macdanta dareeraha.

(Heerkulbeegga dhalada ah lama isticmaaloo sababta oo ah waxa ku jirta macdanta dareeraha (merkury).

Macdanta dareeraha waa sun waxaana dhici karta in ay suntu daadato haddii ay jabto dhalada heerkulbeeggu. Ha ku tuurin qashin qubka. Waxa aad wacdaa xarunta Ilaalinta Sunta (Poison Control) si aad u heshid talooyinka xafidida sunta.

Continue. casharka xiga waad ku mahadsantahy lasocodkaaga hadafkeenu waa in aan helnaa bulsho badqabta iyo bulsho aqaano leh

 

Post a Comment

0 Comments