Ra’iisul Wasaaraha oo Wareegto uu soo saarey ku soo magacaabey wasiir cusub

 

rooble

A C-WARAR        

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah: Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo  Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni) oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku howlan ilaa iyo xilliga ugu dambeeya isagoo ka shaqeynaya danaha shacabka Soomaaliyeed iyo ka fogaanshaha khilaafaadyada siyaasadeed ee sababa in doorashada dib loo dhigo.

Magacaabista Abdel-Siciid Muuse Cali ayaa ah tallaabo cusub oo uu Roobley ku doonayo inuu ku xaliyo khilaafka isaga iyo Farmaajo u dhexeeya, laguna qasbo inuu dardargeliyo howlaha doorashada.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ayaa la rumaysanyahay inuu kaalin muuqata ku yeelan doono wasaaradda, maadaama uu aad ugu dhow yahay Farmaajo, taas ayaana horseedi doonta inay isku jiho noqdaan go’aanka Villa Somaliya iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ayaa awood u leh inuu kaalin muuqata ku yeesho wasaaradda, waxaana lagu tiriyaa inuu ku dhow yahay Farmaajo, taasoo mideyn doonta go’aanka madaxtooyada iyo Ra’iisul wasaaraha.

Farmaajo waa in uusan qaadin tallaabooyinkii lagu yaqaane oo uu u adeegsan sidii uu ku gaari lahaa hadaf iyo dano gaar ah, sida caadada ah, uuna ka shaqeeyo sidii ay u dhici lahayd doorasho hufan oo xalaal ah RW rooble waxa uu ilaa hada qaaday talaabooyn walibo oo macquul ah sidii ay dalka uga dhici leheed doorashooyi xalaal ah






Post a Comment

0 Comments