QoorQoor ayaa isku dayaya inuu soo xusho xubno daacad ah si uu u xakameeyo natiijada doorashada madaxweynaha

doorashada


 A C-WARAR

QoorQoor wuxu isku dayayaa inuu soo xulo xildhibaano daacad u ah si uu u xakameeyo natiijada doorashada madaxweynaha wuxuna doonayaa inuu doorto Madaxweyne daacad u ah ama Farmaajo ama qof kale si uu u helo kursiga Ra’iisul Wasaaraha dawlada soo socoto

RW rooble ma uusan qaadin tillaabo wanaagsan taas oo la macno ah in uu ka qeyb qaadanayo wax isdaba marin doorashada soo socota Hadal haynta ayaa ah in mucaaradka ay kalsoonida kala noqdeen Rooble iyadoo ay ugu wacan tahay dhaq-dhaqaaqyadii uu dhawaan sameeyay iyo sida uu ugu dhow yahay Farmajo iyo QoorQoor ayna rabaan in doorasha ay boobaan si ay xukunka ugu soo laabtaan

Rooble waxaa lagu aaminnay, isaguna ballan qaaday in uu qabanayo doorashado xalaal ah, wuxuu shacabka u ballanqaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil caddaalad u raadinayo. Wuxuu guddi u saaray dhallinyaradii Eritrea loo qaaday, waalidkoodna aysan war iyo wacaal ka helin.

Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon musharraxiintii isdiiwaan gelinayaan. Raggii eedda Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea ku maqanna warkooda iska daa.

Waxaan oo idil waxey dhaceen, kaddib safarkii shakiga dhaliyey ee uu Raysalwasaaruhu dalka Qatar ku tegey. Waxaan kaloo ogeyn in RW Rooble uu qayb ka yahay qorshaha AMISOM dalka looga saarayo. In uu ogyahay terminal khaaska ee Garoonka Aadan Cade ku yaalla ee ay diyaaradaha gaar ah ee Qatar iyo Eretrea ka yimaada ka soo degaan. Ujeedka ugu danbeeyana uu yahay in Al-Shabaab dalka loo gacan geliyo. Mar kale ayaa masiirka dalka iyo majaraha dowlad dhiska la habaabin rabaa.

Waxaan shaki ku jirin in folkaanaha cabbursan ee dulmiga, caddaalad darrida, ku tumashada xuquuqda muwaadinta, ku takri falka awoodda iyo hantida ummadda uu qarxi doono, laakiin ma garan karo nooca baaruudda qarxisada ah(trigger) . Waxaa loo baahan yahay dhiirranaan iyo ku dhac looga hortago qaraxa folkaanaha soo socda oo inna wada galaafan doona, sidii Afgaanistaan ama Itoobiya ka dhacday.

 

Post a Comment

0 Comments