Midowga musharaxiinta oo ka soo horjeestey doorashooyinka boobka ah

doorashooyinka


 A C-WARAR

Muucaaradka Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeesatey doorashada ka socoto dalka gaar ahaan midda Golaha Shacabka xilli uu Muqdisho ka dhacay shir ay yeesheyn xubnaha midowga Musharixiinta kulanka ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed uu akhriyey musharax Daahir Maxamuud Gelle

waxayna sheegeyn in doorashadii la boobay lana hareer maray habraacii lagu heshiiyey kooxdii lagu aaminay doorashada ee Golaha wada-tashiga Qaranka ayey ku eedeeyeen inay ku fashilmeyn shaqadii lagu aaminay waxayna walaac ka muujiyeen waxa dhici doona

haddii ay sii socoto doorashadaan ay ku qeexeyn fasahaad iyo boob Dad badan waxay aaminsan yihin in lagu qasban yahay in mucaaradka qeylo dhaantooda la dhageysto si loo gaaro xal doorasho haddii la iska dhago tiro farriinta musharixiinta mucaaradka waxaa laga cabsi qabaa in go’aankooda soo baxayo Asbuucaan uu dalka geliyo mowjad cusub

Doorashada dalka ayaa noqotay mid lagu shubtay oo shacabka Soomaaliyeed aysan aqoonsaneyn haddii ay doorashada maamul goboleedyada horay u dhici jirtay in xoog ciidan lagu afduubto doorashada guud ayaa ah mid aad u weyn oo aan sinaba loo afduuban waxa uu Farmaajo ka wado ku shubashada doorashada ayaa dalka hogaamineysa dagaal sokeey

Farmaajo waxa uu wado waa xaditaan doorasho isagoo garab ka helaya maamul goboleedyada isaga daacadda u ah go’aanka Midowga Musharixiinta, kasoo baxay ayaa dhamaan Shacabka taageersanyahay waxayna ka dalbanayaan inay go’aan adag ka qaataan musuq-maasuqa doorashada.

Post a Comment

0 Comments