Manchester City oo garoonka Old Trafford kaga soo adkaatay Manchester United

 

ciyaaraha


A C-WARAR

Kooxda Manchester City ayaa garoonka Old Trafford kaga soo adkaatay Manchester United, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Manchester City.

Daqiiqadii 7-aad ee bilowgii ciyaarta Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu gool iska dhaliyay daafaca Manchester United ee Eric Bailly, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 0-1.

45 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Bernardo Silva oo caawin ka helay saaxiibkiis João Cancelo ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntiii kulankii adkaa ee Manchester derby ayaa ku dhammaatay 0-2 ay kaga soo adkaatay Manchester City, kooxda Manchester United oo ay ku booqdeen garoonka Old Trafford

 




Post a Comment

0 Comments