Ole Gunner Solskjaer, ayaa si maldahan u sheegay in kooxda Manchester
United ay kasoo baxdey toddobaad adag, kadib markii ay guul ka gaartey kulankii
ay la yeelatey kooxda Tottenham.
Guushani ayaa waxey farriin adag u direysaa kooxda Liverpool, taasoo ku
dhufatey 5-0 kooxdan Manchester United.
Christian Ronaldo, ayaa ahaa xidigii ciyaarta, kaasoo jawaab buuxda ka
bixiyey guul daradii 5-0 aheyd, ee ay Liverpool toddobaadkii hore kala dul
dhacdey ciyaartii garoonka Old Traffold ee labada kooxood, taasoo keentay in
su’aalo badan la iska weeydiiyo mustaqbalka tababare Solskjaer.
Solskjaer ayaa wali dhax dabaalanaya xiliyadiisii ugu adkaa ee laylinta
kooxda Manchester United, laakiin ciyaaryahan Ronaldo ayaa u fududeeyey
macalinkiisa, kadib markii uu kubad uu ka helay Bruno Fernandes dhex dhigay
shabaqa lix daqiiqo kahor qeybta nasashada, kadibna baas uu ka helay Edinson
Cavani, hal ilbiriqsi kadib 64 daqiiqo.
Tababarahan u dhashey dalka Norway ee Ole Gunner Solskjaer, ayaa sheegay in
waxa ugu muhiimsan haatan iney tahay taageerayaasha iyo ciyaartooyda iney
midoobaan, maadaama ay kooxdiisu badisay markii uggu horeysay shan kulan oo
kamid ah horyaalka Ingiriiska.
Isu jawaabista ayaa u muuqata mid ka timid guul daradii toddobaadkii hore
lasoo gudboonaatey kooxa Manchester United, iyadoo kooxdu ay ku dadaaleyso
sidii ay ugga aar gudan laheyd Liverpool.
Labada koox ee Manchester United iyo Liverpool, ayaa waxaa ka dhaxeeya
xifaaltan soo jiitamayey muddo dheer, iyadoo ay Liverpool ka adkaatey dhawaan
kooxda Manchester United.
0 Comments