kooxda Barcelona Oo Xaqiijisay Saxiixa ay lagashey Dani Alves

 


  A C-WARAR

Kooxda Barcelona ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiijisay in ay la soo saxiixatay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Dani Alves kaas oo dib ugu soo laabtay kooxda.

Barcelona ayaa bogeeda Twitter-ka ku xaqiijisay in uu xiddiga khabiirka ah ee Dani Alves dib ugu soo laabtay kooxda Kadib markii uu muddo bilaa koox ahaa.

Dani Alves ayaa qalinka ku duugi doona heshiis hal sano ah oo uu ku joogi doono kooxda isaga dookh u haysan doona in uu sii joogo hal xilli ciyaareed oo kale.

Alves ayaa noqon doona saxiixii ugu horeeyay ee uu sameeyo Tababare Xavi isaga oo si gaar ah u dalbaday in xiddiga xorta ah dib loogu soo celiyo Camp Nou.

 

Post a Comment

0 Comments