Hooyo Soomaali ah oo Wiil ay dhashay ku Dishay dalka Maraykanka

 


A C-WARAR

Hooyo Soomaali ah oo ku nool dalka Mareykanka ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii “ay gowrcday” wiil yar oo ay dhashay, kaas oo la sheegay in marka ay dishay ku ridday haanta lagu rido qashinka oo taalla gurigeeda.

Hooyada oo ay haatan su’aallo weydiinayaan ciidamada Booliska ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Fardowsa Cabdullaahi, waana 26 sano jir, sida laga soo xigtay Booliska.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday magaaladda St, Cloud ee gobolka Minnesota, waxaana lagu soo warramayaa in gabadha ay qiratay dilka wiilkeeda oo sadex bil jir ahaa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in haweeneydan Soomaaliyeed uu ilmaha yar ku inkiray ninkii dhalay kadibna ay ku dhaqaaqday falka ay sameysay oo aad looga argagaxay.

Fardowsa Cabdullahi ayaa haatan wajaheyso maxkamad, waxaana lagu soo oogay dil darajada labaad ah, iyada oo sidoo kale maydka wiilka yarna la geeyey xabsiga degmada Stearns oo ku yaalla magaaladda St. Cloud, si loogu sameeyo baaris dheeraad ah.

Falka ay ku dhaqaaqday gabadhan Soomaaliyeed ayaa ah mid aad u xanuun badan, waxaana dhacdadan si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada.

Mareykanka ayaa waxaa ku nool Soomaali fara badan waxaana ka dhaca dhibaatooyin kala duwan, hayeeshee dhacdadaan ayaa ah mid ugub ah, taas oo ay si weyn uga argagaxeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi & sidoo kale kuwa isticmaala baraha bulshada.

Post a Comment

0 Comments