Farmaajo waxa uu ka shaqeeyaa in uu doorashada ku shubto, isaga oo ay ka qayb qaadanayaan Qorgur iyo Leftajrin

 

farmaajo

A C-WARAR

Ilo-lagu kalsoonyahay ayaa sheegey in kaligii taliye Farmaajo isku dayayaa inuu abuuro dowlad kalitalis ah oo uu maamuli doono inta ugu macquulsan asigoo dalka u naxeynin shacabka somaliyeed waxay doonayaan isbadal dhab ah

farmaajo ayaa intii uu madaxweynaha ahaa aan ka shaqayn in uu meesha ka saaro dastuurka qabyo qoraalka ah iyo in la dhiso maxkamad sare si aysan caqabad ugu noqonin in uu awood u yeesho maamulkiisa kalitalisnimada ah wuxuuna u dhisi waayey si hadhow aan loogu qaadin dembiyadiisa 

sidookale Madaxwaynaha mudo xiliyeedkiisu dhamaaday ayaa baryahan ku howlanaa in doorashada dib loo dhigo ilaa uu ka gaadhayo xili uu hubo inuu ku sii nagaan karo kursiga madaxweyne ee Somaliya.

Waxaanu ka shaqaynayay inuu doorashada ku shubto, isagoo adeegsanayaa qoor-qoor iyo lafta gareen oo ay ku heshiiyeen inuu ku abaal marin-doono Jagooyinka usareeya dalka.

Farmaajo ayaa waxa uu damacsan yahay inuu QoorQoor uu u adeegsado doorashooyinka barlamanka galmudug maadaama uu damaanad qaadayo daacadnimadiisa iyo in uusan ka hor imaan doonin go’aankiisa kali-talisnimada ah iyo dambiyada uu ka galayo Qaranka iyo shacabka somaliyeed

farmajo ma rabyo in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah wuxuna marwalba isku dayaa inuu adeegsado kuwa daacada u ah si ay u soo xulaan xildhibaano asiga taageersan

Post a Comment

0 Comments