Farmaajo oo diiday in loo magacaabo Taliyaha Nabadsugida

NISA

 A C-WARAR

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa weli ka caga jiidaya inuu soo magacaabo taliyaha cusub ee Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA

Farmaajo ayaa weli helin qof kale oo uu ku qariya dilka Ikraan Tahliil oo isaga iyo Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Farey ay fuliyeen ku dhawaad todobaad ayaa laga joogaa markii farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ay ka heshiiyeen khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyey in mudo ah

Illaa hadda waxaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan Ra’isul wasaaraha u soo gudbin qofka uu rabo inuu Taliyaha NISA ka dhigo, si Rooble uu qofkaas u soo akhriyo una soo aqbalo ama u diido.

farmajo ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu dhowr ku sime u magacaabay shaqooyin kala duwan dabadeedna uu u dhaafay oo ay xafiiska ugu dambeyn toos ula wareegeen in aan la magacaabin taliyaha cusub ee Nissa

waxa ay tahay isku day cusub oo Farmaajo uu ku doonayo inuu kaga baxsado ballan-qaadyadii uu la galay Rooble iyo sidoo kale in beesha caalamka ay hesho dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah doorashada Soomaaliya

Illaa hadda baarista kiiskan Ikraan Tahliil lama bilaabin, waxyaabaha hortaagana waxaa qeyb ka ah maamul la’aanta ka jirta xafiiska Hey’adda NISA.

Qoyska Ikraan waxay horay u sheegeen in aysan caddaalad heli karin gabadhooda illaa hoggaan madax banaan looga magacaabo hey’adda NISA.

Inuu Farmaajo kusii dhaganaado xilka Taliyaha NISA ayaa xoojin doonta eedeyntii aheyd inuu madaxweynaha si buuxda u diiday in kiiskaas si madax banaan loo baaro. Eedeyntaas waxaa horay u jeediyey qoyska gabadha maqan

 

 


Post a Comment

0 Comments