Farmaajo ayaa booqanaya Qatar si uu u taageero uga helo xili uu dalka kalguur ku jiro

 

booqashada farmaajo

A C-WARAR

Farmaajo ayaa safar dibadeed oo aan horey loo shaacin ugu baxay shalay magaalada Doha ee dalka Qatar farmaajo ayaa waxaa safarka ku wehliya Marwada Koowaad Saynab Cabdi Macallin Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisaciid Muuse Cali Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed

Cabdiqani Saciid Carab sida ay sheegtay madaxtooyada safarkan waxa uu qaadan doonaa laba maalmood Farmaajo wuxu ku xisaabtamayaa in Qatar ay ka taageerto doorashada waxaana daliil u ah in dowladda ay ku dhawaaqday in aysan heysan dhaqaale ku filan kadib markii saaxiibada caalamka aysan bixin qarashka doorashada iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxaa bilowday seddexda dowladood ee taageersan Farmaajo. Doorashooyinka

Qatar ayaa maalgelisay doorashadii Farmaajo ee 2017.Hadda, safarkiisa Dooxa ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay ka socdaan eedeymo culus oo ku aaddan musuq-maasuq doorasho. Lacagta Qatar ayaa imaan doonta si ay fowdo kale u keento, CPC ma ogola in Farmaajo uu waqtigiisa sii dhamaanayo uu ku tunto horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

Waa wax lala yaabo in Farmaajo uu u tago taageerayaashiisa Qatar xiligan xasaasiga ah si uu taageero dheeraad ah uga codsado, kadib intl-ka, saaxiibadii ayaa joojiyay dhaqaalihii doorashada, iyadoo 3-da gobol ee Farmaajo taageersanaa ay bilaabeen doorashada. Lacag caddaan ah oo ka timid Doha ayaa door ka qaadan doonta saameynta doorashada.

Sidii Lacagtii Qatar ee dhawaan diyaarad gaar ah loogu soo diray ayaa lagu shubtay doorashada socota, iyadoo lagu laaluushayo guddoomiyeyaasha dowlad goboleedyada iyo odayaasha beelaha daacadda u ah.

 

Post a Comment

0 Comments